Taliska Guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland oo Xadhiga ka jaray Saldhig Cusub oo Laga Sameeyay Gobolka Sanaag
Hargeysa (OWN) โ Taliyahaย ciidamada milatariga Gobolka Sanaag ee Somaliland, Sareeye Guuto Muuse Jaamac ayaa maanta xadhiga ka jaray saldhig cusub oo uu maamulkaasi ka furtay deegaanka Baraagaha ee gobolka Sanaag.
Saldhigga oo ah mid ballaadhan ayuu taliyuhu sheegay in la keeni doono ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa milatariga ee Somaliland.
Ciidamada la geynayo saldhigan ayaa waxa uu sheegay in lagu dari doono ciidamadii kale ee horey ugu sugnaa gobolkaasi oo dhaca waqooyiga Soomaaliya.