Maye Biyihii Hargeysa

Biyaha Hargeysa waxaa la bilaabay qodistooda ama hawshooda 2012kii, biyahaas oo ka imanayay meel Hargeisa u jirta illaa 36 km oo ah biyo-hoosaadka (Aquifer), kaas oo marka caddaadiska saarani aad u sareeyo noqon kara durdur, webiyaal iyo ilo leh biyo joogto ah (Allah haynooga dhigo hadda waa mid aan jirine), halkaas oo marka aanay dhicin waxyaabahan aan soo sheegnay ay tahay sida keliya ee biyahaas halkaas ku jira lagu manaafacaadsan karo ay tahay in ceelal laga qodo ka dibna lasaaro bam biyahay ka soo qaada oo dhuumo ama meelo kale la raaciya, Biyo-hoosaadkaas oo fadhiya dooxada Geed Deeble.

Mashruucani waxa uu ahaa cusboonayn iyo balaadhin sida dadka in badani la socoto, mashruucan waxaa maal galiyay oo Somaliland ka caaweyay Isbahaysiga Dhaqaalaha Yurub oo ugu deeqday 15 milyan EURO iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland oo dawlado badani qaadhaan ku soo shubaan ay ka mid yihiin wadamada (UK, Denmark, Norway iyo Holland), sanduuqaas oo kaga qayb qaatay sida la sheegay isna 8.6 milyan USD.
Mashruuca waxaa hirgalinayay sida la sheegay UN-habitat oo ah wakaalad Qaramada Midoobay u qaabilsan Barnaamijka Deegaanada dadku degan yihiin iyo horumarinta magaalooyinka si ay uga dhigaan goobo ku habboon deegaan joogto ah oo ay la shaqaynayso Wakaaladda Biyaha Hargeysa, mashuucaas oo loogu yeedhay biyo balaadhinta Hargeysa, waxaa loogu tala galay inuu biyo siiyo ama waraabiyo magaalada Hargeysa ee maalin walba sii fidaysa, iyana waxay kaga qayb qaadatay lacag dhan 1.5 million EUR.

Sheekada balaadhinta iyo biyo galinta Hargeysa waa mid dadka dhegahooda ka badatay 9 gaalkii sanadood ee u dambaysay, sida ku cad website-ka xogtiisu kooban tahay ee wakaaladda biyaha Hargeysa, waxayna sheegaysaa in biyo galinta uu qayb ka yahay mashruuc kale oo lala kaashanayo Dawladda Hoose ee Hargeysa hirgelintiisa, qaybtan oo lagu magacaabo; Mashruuca Biyo-ballaadhinta iyo Fayadhowrka Aasaasiga ah ee gudaha magaalada Hargeysa, kaas oo la sheegay inuu ku kacayo 23.55 milyan oo Euro oo ay maalgelisay Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka iyada oo loo soo marayay Bangiga Horumarinta ee la yidhaahdo KfW ee wadanka Jarmalka.
Mashruuca qaybtan dembana waxaa fulintiisa farsamo la siiyay sharkad la yidhaahdo Ludwig Pfeiffer Hoch- und Tiefbau GmbH & Co. KG oo laga leeyahay wadanka Federaalka Jarmalka oo ku takhasustay rakibaadda dhuumaha gaaska, biyaha, tuubooyinka kuleylinta deegaamada qabaw iyo sidoo kale bullaacadaha iyo dhuumaha qaada.

 

Mashruucan Biyo-galinta waxaa ka mid ah qayb iyana aad u muhiim ah oo maalgalintiisa ay sameysay Coca-Cola Africa Foundation isla markaana ay fulinayso sharikad wadani ahi taas oo mashruuca ballaadhinta shabakadda biyaha Hargeysa kaga qayb qaadanaysa 62 km oo ah qaybinta koowaad iyo ta labaad, dhismaha 4 haamood (reservoir/tank), saddex saldhig oo kor loogu qaadayo lalinta biyaha (three booster stations), 32 dukaanno ama goob biyo-maamul (kiosk) oo laga dhisayo deegaanada Dadka Gudaha Ku Barokacay, suuqyada iyo meelo dadka ka dhaansan karaan.
Intaas sare waa macluumaad uu dadku u baahan yihiin in ay wax ka ogaadaan mashruucan aad mooddo in lagu masabiday. Sababta aan qoraalkan kooban u sameeyay waxaa weeye, sida ka muuqata qorshaha biyuhu waxa uu ahaa in ay biyuhu magaalada iyo dadka soo gaadhaan daba yaaqada 2016 ama horaanta 2017, sidaasna waxaa lagu sheegay daraasaddii mashruuca ee la sameeyay 2012, sidaasna waxaa sheegay qaybaha kala duwan ee mashruuca ka qayb qaadanayay.

Waa wax dhici kara in mashruuc kasta dib u dhac ku yimaaddo wax kastaa sabab haw noqdaane lakiin inta badan waa muddo macquul noqon karta, midase halkan ka muuqataa waxay noqon kartaa:
Maamul xumo dhaqaale iyo waqti, aqoon la’aan mshruuca ku saabsan, dhibaatooyin deegaan oo aan hore looga sii digtoonaan, kuwii ka horyimi oo aan sidii ku habboonayd loo dhamayn oo noqon karta mid xidhiidh la leh kartida iyo aqoonta cidda hawsha wadda, aragti guud oo ku saabsan qaybaha mashruuca oo meesha ka maqan, waxaad arkaysaa in xaaladdu tahay marka hawli dhamaato in midda kale la bilaabo halkii hawshu mar wada bilaami lahayd isku xidhkuna ku xigi lahaa, dhawaan waxaan arkayay barkaddii biyaha qabanaysay oo hadda la bilaabay, tus; maxaa loo bilaabi waayay 3 sano ka hor, fikraddaa timi markii la soo gaadhay!!!!!!
Waxaa kale oo mashruuca dib u dhigi kara dhacdooyin ka baxsan awoodda iyo xakamaynta cidda mashruuca wadda. Sida hawada oo xumaata, dagaalo wadanka gudihiisa ama debeddii shaqo joojin iyo kacdoon shaqaale.
Dhammaan hadalka isku soo wada xoori oo HARGEYSA MASHRUUCA BIYAHA WAY KU HUNGOWDAY, cidda ay hawshu khusaysaa dadka hala hadlaan haw sheegaan goorta ay isleeyihiin wax baad dhamayn kartaan insha allah MASHRUUC KU SHEEGGAN SANQADIISU BAXAYSO.

 

Dr Omar Noor, UK, Omar63noor@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker