Baska Liverpool Oo Ku Xayirmay Buundo Hoosteeda Ka Hor Finalka Champions League

Baska kooxda Liverpool ayaa dhibaato ay soo wajahday maanta ka dib markii uu ku xayirmay buundo hoosteeda oo isku xidhta garoonka Atletico Madrid ee Wanda Metropolitano.

 

Kooxda Jurgen Klopp ayaa isku diyaarineysa finalka la sugi la’ yahay ee Champions League ee ay Sabtida la ciyaarayaan kooxda Tottenham.

Baska kooxda ayaa lagu arkay agaagaarka garoonka Wanda Metropolitano laakiin waxa uu ku xayirmay buundo hoosteeda markii saqafka iyo buundada ay isku dhegeen iyadoo sawiro laga qaaday la soo dhigay baraha bulshada.

 

 

Ma cadda sida uu baska ugu Xayirmay buundada hoosteeda laakiin waxaa la soo jeedinayaa in darawalka basalka uu dhayalsaday dherarka buundada.

Chris Chambers oo tifaftire ka ah Capital Liverpool ayaa sawirka soo dhigay baraha bulshada waxaana uu sheegay in baska laga saaray goobtaas oo safarkiisa uu sii watay.

Dhanka kale tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa aaminsan inuu Sannadkan wato  kooxdii ugu ficineyd ee uu abid la tago final ka Champions League.

Liverpool ayaa rajeyneysa inaysan ku celinin tii xilli ciyaareedkii hore oo sidoo kale ay gaareen finalka balse ay koobka ka qaaday kooxda Real Madrid.

Isbuucyadii u danbeysay Reds waxa ay ku sugnaayeen magaalo xeebeedka Marbella halkaasoo ay tababar ku sameynayeen.

Naby Kieta ayaa la xaqiijiyay inuu kulanka finalka seegayo halka weeraryahan Roberto Firmino uu taam u yahay kulanka Madrid.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker