Suldaanka Guud oo ka Hadlay Xidhiidhka Cusub ee Taiwand iyo Somaliland

Hargaysa (OWN) – Suldaanka guud ee beelaha Somaliland, Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa markii u horeysay ka hadlay Xidhiidhka cusub ee Somaliland ay la yeelatay Taiwan.

Suldaanka ayaa ugu horeyntii soo dhaweeyay xidhiidhkaasi oo ay si weyn uga hor-yimadeen dowladdaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo kala sheegta labadaasi maamul.

Wuxuuna ku sheegay xiriirkaasi mid qeyb ka ah dadaalada ay Somaliland ku baadi-goobeyso ictiraafka, ujeedkiisuna uu yahay ‘sidii ay usoo bandhigi lahaayen inay yihiin dal jira’, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Suldaanka ayaa ku doodaya in xiligan ay haboon tahay in Somaliland ay balaadhiso xiriiradeeda diblumaasiyadeed, isla markaana ay garaacdo albaab walba oo caalamka ah.

“Inaynu xidhiidhka aynu la leenahay Beesha Caalamka soo koobno maaha ee inaynu balaadhino ayey danteenu ku jirtaa, maxaa yeelay waxaynu nahay dal ictiraaf doon ah” ayuu yiri.

Wuxuuna intaas kusii daray “Mar haddii aynu nahay dal ictiraaf doon ah, waa inaynu garaacno albaab walba oo caalamka ah oo waa inaynu waddan walba la xidhiidhnaa, Taiwan oo qudha maaha”

 

 

Suldaanka ayaa sidoo kale diidmada Soomaaliya iyo Shiinaha ku sifeeyay ‘wax aan macno badan sameynayn’, isagoona hoosta ka xariiqay in muhiimad gaar ah la siiyo ictiraafka ay Somaliland baadi-goobeyso muddada ka badan 29-ka sanno.

“Waddan kasta aynu la xidhiidhno cidda doonta ha xanaaqdee, maxaa yeelay Ictiraaf aynu xaq u leenahay ayaynu raadinaynaa oo aynu baadi goobkiisi ku jirnaa, Dal kasta oo aynu xidhiidh la samaynana waa inaynu u soo bandhignaa inaynu nahay Waddan jira”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker