Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Gobolo ka mida Galgaduud

Dhuusamareeb (OWN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolada  Galgaduud ee badhtamaha Soomaaliya.

 

 

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa soo bilodway gelinkii dambe ee shalay, isla markaa Socday  illaa xalay, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

 

 

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisu uu ka dhacay deegaanka Xananbuure oo dhaca waqooyiga gobolka Galgaduud, waxaana jira khasaare kala duwan oo ka dhashay.

 

 

Ku dhowaad illaa 10 qof oo uu ku jiro wasiirkii hore ee shaqada iyo shaqaalaha Galmudug Daahir Shidane Cabdi oo dhaawac ka soo gaaray dagaalka u geeriyooday.

 

Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo intaasi ka badan, kuwaas oo la kala geeyey magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee gobobolka Galgaduud.

 

 

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli is-horfadhiya maleeshiyaadka diriray ee labada dhinac.

 

 

Dhanka kale madaxweynaha Galmudug oo si adag uga hadlay dagaalkaasi ayaa ciidamada dowladda ku amray inay kala dhexgalaan labada beelood, si loo joojiyo dagaalka.

 

 

Galgaduud oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ku soo laa-laabta dagaallo sokeeye oo u dhexeeya maleeshiyaad beeleed ku wada sugan gobolkaasi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker