Akhriso : Gudoomiye Cabdi Xaashi oo Sharaxay Waxyaabaha uu sheegay in Laystaba Mariyay
Muqdisho (OWN) โ Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa wareysi uu bixiyey ku faah-faahiyey sida loo beddelay nuqulladii saxda ahaa ee xeerarkii afarta ahaa ee ay sida wadajirka ah u soo diyaariyeen guddiyada wadajirka ah ee labada Aqal ee baarlamaanka.
Guddomiye Cabdi Xaashi ayaa sharci-darrada dhacday ku eedeeyey guddoonka Golaha Shacabka, isaga oo sheegay inay qaateen wax uu ugu yeedhay goโaan siyaasadeed.
โLabada Aqal mid kasta gaarkiisa ayuu shuruucda u ansixiyaa, marka golaha shacabku waxa ay ansixin ku bilaabeen nuqul aan aheyn kii ay isla soo diyaariyeen guddiyada isku dhafka ah ee labada gole oo ay iyagu sameysteen, cadeynteedana waxaad ka heleysaa faahfaahinta shaxda ku lifaaqan qoraalka,โ ayuu yidhi guddoomiye Cabdi Xaashi.
Guddoomiyaha oo wareysigan siiyey Idaacadda VOA ayaa sidoo kale cadeeyay inay kala laba yihiin xeerarka afarta ah ee hadda iyaga hor yaalla oo guddigu u soo gudbiyey iyo kan hor yaalla golaha shacabka, oo sida uu sheegay la bedelay.
โShaxda aan soo dirnay, waxaa ku cad in horta meel kasta oo Aqalka Sare uu uga jiray xeerarka laga tiray, waxaa kaloo laga saaray in sharcigii la ansixiyo uu marayo saxiix madaxweyne, marka anigu ma garan u jeedada laga leeyahay,โ ayuu yidhi guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi.