Buurtii Foolatay, Ma Bakaylaay Dhashay? Qaybtii Shanaad: Kaalintii Maraykanka iyo Itoobiya ee shirka Jabuuti

Mar kale iyo bariido wacan akhristiyaal. Qaybtan shanaad ee qormada waxaynnu ku falanqayn doonnaa, kaalinta ay Maraykanka iyo Itoobiya ku lahaayeen shirka iyo danta ama danaha ay u soo galeen.
Haddii aynnu ku horraynno arrinta Maraykanka iyo wararka la innoo sheegay, waxa si caddaan ah la innoogu sheegay; in uu Maraykanku shirka maalgeliyey – Jabuutina gogosha fidisay. Waxaynnu haddaba isweydiin karnaa, marxay tahay ujeeddada uu Maraykanku ka lahaa shirku? Arrimaha qaarkood waa la malayn karaa, waase kuwo weyd (naive)ah.
Tusaale ahaan, waxay dadka qaarkood ku doodi karaan; safiirka Maraykanka u fadhiya Muqdisho iyo madaxweyne Farmaajo ayaa saaxiibbo ah – maadaama oo uu dhalashada Maraykanka haysto Farmaajo! Waxa kale oo iyana la odhan karaa Maraykanka waxay dani ugu jirtaa sii joogitaanka dawladdan Farmaajo ee Nabad iyo Nolol. Waayo, waxa laga yaabaa in uu danahiisa ka dhex arkay dawladdan; kaddib markii uu eegay mustaqbalka iyo danaha siyaasadeed ee gobolkan Geeska Afrika. Waxana laga yaabaa, in aannu Marayakanku kalsooni badan ku qabin xubnaha mucaaridka ee Soomaaliya oo ay ragga qaarkood oo madaxweynayaal hore ahaa ay si fiican u yaqaanaan! Waxa aan iyana meesha laga saari karin, in uu Maraykanku istusay, in danihiisu ku jiraan nabadaynta iyo midnimada Soomaalida oo aanay dani ugu jirin kala go’idda soomaalida!
Isku soo wada xooriyoo, waxa aan shaki ku jirin, in Maraykanku dan ama dano (interests) waaweyn oo dhow ama dheer ka lahaa shirka – taasi waa tii ina Daanweyne iyo habari kastay! Arrimaha shareeran (capsuled) ee aan sheegnayn ee Maraykanku u qabtay shirka waxa ka mid ahaa ayaa la odhan karaa: deyntii Soomaaliya lagu lahaa ee laga saamaxay iyo sidii loogu talin lahaa daymaha dambe la soo qaadanayo iyo weliba sidii dammaanad wadajir ah loogu heli deymahaasi dambe. Quudarraynta khayraadka dihin ee dhulka soomaalida ku jira iyo arrimaha istiraatijiyada gobolka Geeska Afrika… ayaa iyaguna ahaa ubacda iyo ujeeddada uu Maraykanku shirka u maalgeliyey?

Dhinaca Itoobiya iyo shirka Jabuuti haddii aynnu jeleecno, waxaynnu odhan karnaa dhawrkan arrimood ayaa u sabab ahaa:

  1. Itoobiya maanta waa quwadda Geeska Afrika. Arrimaha soomaalidana ceelka guntiisa ayay ugu jirtaa marka laga soo bilaabo 1980naadkii. Sidaa awgeed, sinaba suurtagal uma ahayn, in Itoobiya laga qadiyo ama qariyo shirka. Waxa kale oo iyana meesha taalla, in ra’iisalwasaare Abiye Axmed dhawr jeer isku dayey in uu soomaalida isu keeno oo uu shir u qabto – laakiin ay ka suurto geli weydey dhinaca Somaliland. Waxa kale oo ay saaxiibbo isku dhow ah, Farmaajo iyo Abiye. Bal dib u dhugo inta shir ee ka wada qaybgaleen, intii ay Itoobiya iyo Eritareeya heshiiyeen!
  2. Ta kale Abiye Axmed oo nabadaynta gobolka hore ugu qaatay billado caalami ah iyo ammaanba, sinaba suurtagal umay ahayn; in uu ka maqnaado shirkaasi Jabuuti. Marka aad eegtid, khudbaddiisii iyo sida caadiga (informal)ka ah ee uu shirka ku yimidna, waxad mooddaa in waxyaabahaa aynnu soo sheegnay ka muuqdeen.

La soco qaybaha soo socda oo xiiso leh, haddii Eebbe idmo.

 

 

 

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker