Madaxdii Ugu Sareysay Xisbiga Ee WADDANI Oo Ku Sugan Xaramka.
Musharax Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, Musharax Madaxweyne Ku Xigeen Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee JSL Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Ayaa Wakhti Xaadirkan Ku Sugan Dalka Sucuudiga Oo Ay Guddashadda Cimradda Awgeed U Joogaan..
Marka Laga Yimaaddo Madax-da Sare Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Ee Dalka Dibeddiisa Ku Maqan, Waxa Dalka Guddihiisa Jooga Oo Hawlihii Kala Duwan Ee Xisbiga WADDANI Sii Wadda Dhammaan-ba Guddoomiye Ku Xigeennadda Xisbiga, Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI Md Khaddar Xuseen Cabdi Iyo Masuuliyiinta Kala Duwan Ee Xisbiga WADDANI.
Masuuliyiintan Sare Ee Xisbiga WADDANI Ee Dalka Sucuudiga u Jooga Guddashadda Waajibaadka Cimradda, Ayaa La filayaa Inay Ku Soo guryo-noqdaan Dalkoodda Hooyo Markay Soo dhammaystaan Guddashadda Tiirka Cimradda Iyo Ducadda Ay Qarankoodda Ugu Soo Ducaynayaan, Ilaahay Ha Inoo Aqbalo Ducadda Madax-deenna. Iyagoo Masuuliyiinta Sare Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI 10 Dambe Ee Bisha Barakaysan Ee Ramadan Ku Soo dhammaysan Doonna Dhulka Barakaysan Ee Xaramka.