Dhegayso: Kumuu Ahaa Bashiir Qoorgaab , Maxayse ahayd Muhiimada Uu u Hayay Alshabaab

 

Sarkaal ka tirsan milatariga Mareykanka ayaa Sheegay  inay aamisan yihiin inuu dhintay mid ka mid ah Saraakiisha ugu sarreysa ee Ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabi  Jiray  Bashiir Maxamed Maxamuud oo loo yaqaan Bashiir Qoorgaab.

 

“Waxaan Aaminsanahay in Bashiir Maxamed Maxamuud (Qoorgaab) lag dilay” ayuu yidhi Afhayeenka Taliska Mareykanka ee Africa Col. Chris Karns u sheegay VOA. Duqeynta ayaa ka dhacday magaalada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

 

Bashiir Qoorgaab ayaa duqayn lala beegsaday 22-kii bishii aynu soo dhaafnay ee Febraayo.

Maraykanku waxay sheegeen in Bashiir Qoorgaab oo meesha ka baxa ay tahay horuma iyo khatar kusoo waajahnayd dadka Afrikaanka ah iyo kuwa Maraykanka ah oo meesha ka baxday.

 

Maraykanka ayaa sheegay in Bashiir Qoorgaab uu ku lug lahaa weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadday saldhigga Manda Bay ee dalka Kenya 5-tii Jannaayo ee sannadkan oo ay ku dhinteen saddex muwaadin oo Maraykan ah isla markaana lagu burburiyey lix diyaarad.

 

 

Qoorgaab ayaa jagooyin kala duwan kasoo qabtay ururka Al-Shabaab oo ay ka mid tahay madaxa ciidamada, iyo unugyada kale ee jabhadaha ee ka hawlgala dalka Kenya.

 

 

Waxa lagu tilmaamaa inuu ahaa saraakiisha muddada dheer kusoo jiray ururka Al-Shabaab.

Sidii aad warkaba ku maqlayseen sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Bashiri Maxamed Maxamuud Bashiir Qoorgaab ayaa la aaminsna yahay in lagu dilay duqayn Maraykanku ka gaystay magaalada Saakow 22-kii bishii aynu soo dhaafnay ee Febraury.

 

Waxaa Tafaasiil iyo Muhiimada Uu U lahaa Alshabaab Bashiir Qoorgaab inoo Sharaxaya Taliye ku XIgeenka Ha,adda Nabad Sugida Somalia. ee Halkan Hoose Ka Dhagayso

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker