Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku leh Xaruntooda Villa Hargeysa

Muqdisho (OWN) – Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku leh xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

 

Kulanka ayaa lagu wadaa inuu furmo saacadaha soo socda ee maanta, waxaana shir guddoomin doono guddoomiyaha golahaasi, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, kaas oo dhowaan ka soo laabtay safarkii uu ku tegay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

 

Xildhibaanada ayaa kulankooda kaga doodaya Xeerka qoondada Haweenka oo ka mid ah afarta xeer ee guddiga wadajirka ah Loo xil saaray in ay soo diyaariyaan.

 

 

Xeerkaan ayaa haddii uu meel-maro, haweenka xildhibaannada ah waxaa kuraastooda u tartami doono dumar kale.

Sidoo kale waxa ay ku doodayaan in ay si saami ah u helaan 30% oo ah qoondada haweenka ay ku leeyihiin dowladda federaalka.

Kalfadhigan oo ah kii 7-aad ee golaha shacabka ayaa ugu dambeeya muddo xileedka baarlamaanka 10-aad ee dalka, waxaana u dhiman oo kaliya labo bilood iyo bar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker