Al-Shabaab oo Sheegatay Mas’uuliyadda Weerar Lagu Qaaday Bas
Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta oo Sabti ah sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu dilay 10 qof oo ay ku jiraan dhowr askari oo ka tirsan booliska ee Kenya, kaasi oo gobolka Waqooyi-Bari ka dhacay galabnimadii shalay.
Afhayeenka madaxtooyada Kenya ayaa sheegay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta la siiyey warbixin ku saabsan “dilka foosha xun” ee lagu dilay 10 qof oo ka dhacay gobolka Wajeer.
Hase ahaatee, sarkaal sare oo ka tirsan booliska Kenya ayaa u sheegay wakaaladda AFP in tirada dhimashadu ay gaareyso 10 qof oo 7 ka mid ah ay ka tirsanaayeen boolis-ka.
“Waxaan naga dhintay ilaa 7 askari oo boolis ah” ayuu yiri sarkaalkan diiday in magaciisa la sheego. Waxa uu sarkaalku intaa ku datay in tirade guud ee weerarka lagu dilay ay gaareyso 10 uuna ku jiro dhaqtar deegaanka ah.
Kooxda Al-Shabaab ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkan iyagoo sheegay iney ku dileen ilaa 10 ka tirsan waaxaha sirdoonka iyo shaqaalaha dowladda.
Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa waxaa ay ku dhowdahay xadka Soomaaliya iyo Kenya halkaasi oo ay Al-Shabaab inta badan weeraro ka gaysato.