Waa sidee Xaalada Caafimaad Ee Madaxweynihii Hore Ee Zimbabwe Oo Laga Dayrinayo

Xaaladda Caafimaad ee madaxweynihii hore ee dalka Simbabwe Ropert Mogabe ayaa lagu soo waramayaa in ay tahay mid liidata,     waxaanuu ku sugan yahay  Cisbitaal ku yaalla Dalka Singapore,halkaasi oo ay dhigtay Dowladda Dalkaasi Zimbabwe.

Hoggaamiyaha talada dalkaasi haye ee Emmerson Mnangagwa ayaa war qoraal ah uu soo saaray ku sheegay in madaxweyne Mogabe muddo 4 bilood ah ba uu kujiro Cisbitaal kuyaala dalkaasi Singpore,wuxuuna intaasi ku daray in uu wanaagsan yahay Ilaa imikana uu Hadalku kasoo baxayo .

Emmerson Mnangagwa ayaa sheegay in xanuunka Aan wali si rasmi ah Shaac looga qaadin .wuxuu ku ammaanay 95 jirkan Mogabe in uu yahay aabihii dhisay qaranka dalkaasi Simbabwe.

 

Dhaqaatiirta ayaa ku taliyay in uu u baahan yahay nasiimo dheeraad ah iyo in la ilaaliyo,Emmerson Mnangagwa madaxweynaha haatan talada haya ee dalkaasi Zimbabwe ayaa bishii April wuxuu sheegay in uusan dhaqaaqi karin Mogabe sababo laxidhiidha jiro iyo Da’da halma rkuwada Kulmay .

By Suxufi Sinyoore Hargaysa  Somalialnd

 

Hay’adaha caafimaadka dalka Zimbabawe ayaa la sheegayaa in uu gaabis iyo bur bur ku ymid adeegooda caafimaad,inta badana dadka xanuunka ku soo booda ayaa loo qaada dibadda,sida south Afrika oo ay deris yihiin,balse Ropert Mogabe noloshiisa inta badan waxa uu caafimaadkiisa ku soo baari jiray dalka Singpore.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker