“ Ninka dhintay wuxuu ahaa Nin U Dhashay China , Hargeysana wuu ku dhintay….” Xukuumadda Oo Ka Hadashay Nin Markuu Dhintay La Gubay

Xukuumadda Soomaaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay nin ajanabi oo ku dhintay magaaladda Hargeysa, kaas oo sida uu dhigayo Dhaqankoodu lagu gubay duleedka Waqooyi Ee Magaalada Hargeysa.

Wasaarada Caafimaadka Soomaaliland waxa ay sheegtay in ninkaasi oo u dhintay xanuunka loo yaqaano leukemia oo ah xanuun sababa dhiig la’aan uu dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka China.

 

“Horta Ninka dhintay wuxuu ahaa Nin U Dhashay China,waxaanu Ninkaasi udhintay cudur la yidhaahdo leukemia Oo dhiiga raaca, dabadeedna qof dhiig la’aani ay kudhacdo oo dhiigba laga waayo, cusbitaalka Guud ee Magaaladda Hargeysana wuu ku dhintay.

 

Haddii uu qof ajanabi ahi dhinto waxa lala xidhiidhaa Jaaliyadahooda, Jaaliyadii China waxa ay yidhaahdeen Dhoofin Kari mayno ee xeerkayagu waa caynkaas ee ka hawl gala, caafimaadkana shaqadoodaba maaha in ay qofka  gubaan ama aasaan midnba” ayuu yidhi Afhayeenka uhadlay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland.

 

Waxa uu intaasi ku daray in jaaliyada wadanka China Ka joogta Soomaaliland ay xidhiidho la sameeyeen Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta somaliland iyo xeer ilaalinta “Jaaliyadii waxa ay laxidhiidhay Wasaaradda awqaafta iyo Xeer Ilaalinta, markaa waxa ay ku yidhaahdeen sidii aad ka yeeli jirteen qofka idinka ka dhinta ka yeela oo ahayd in la gubo, laakiin waxa aan loo calamaadinin meel gaar ah oo ay ku gubaan, sidaas ayaana lagu qaaday oo waxa lagu gubay meeshaas ku taala baraha bulshadda” ayuu yidhi Dr. Xuseen

 

waxa uu intaas ku daray in kooxdii halkaas ninka ku soo gubtay ay kaga yimaadeen qalabkii iyada oo dadka qaarkoodna ay sheegeen buu yidhi in la arkay qaybo ka mid ah jidhkii qofkaasi.

hasayeeshee dawladda Hoose ee Magaaladda Hargeysa ay ka hawl gashay sidaasna hada lagu soo nadiifiyay.

“Hargeysa Waligeedba Waa Lagu Gubi Jiray Baaniyaaladda (Hindida),laakiin waxa ay noqonaysaa in meelgaar ah loo cayimo” ayuu yidhi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker