Koox Premier League Ah Oo 120 Milyan Dul-dhigtay Cristiano Ronaldo
Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa looga gacan haadinayaa Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana dalab lama filaan ah hor dhigaysa Chelsea oo ka shaqayn doonta sidii ay u keeni lahayd Stamford Bridge.
Blues oo hore ula soo saxeexatay Hakim Ziyech oo bisha July horraanteeda laga sugayo London iyo Timo Werner oo heshiiskiisu uu gabogabo marayo oo usbuucyada soo socda si rasmi ah loo shaacin doono inuu yahay ciyaartoy Chelsea ah.
Mulkiilaha Chelsea ee maalqabeenka ah ayaa doonaya inuu kooxdiisa ka dhigo mid haysata ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida, mar kalena awood u yeelata inay kusoo laabato hanashada horyaalka Premier League iyo Champions League.
Sida ay warbaahinta Global Press qortay, Chelsea waxay diyaar la tahay inay Juventus u shubto 120 milyan oo Euro si ay uga iibsato Cristiano Ronaldo.
CR7 ayaa Lampard iyo Abramovic ay rumaysan yihiin inuu Chelsea kusoo celin doono dareenka caalamka oo ay noqon doonto koox daawadeyaal badan yeelata, ishuna hayso si ka badan intii hore, iyagoo dhinaca kalena uga faa’iidaysanaya dhaqaale oo uu xayaysiis badan soo gelinayo, goolal tiro badanna uu u dhalin doono.
Laacibka reer Portugal ayaa Juventus ku biiray xagaagii 2018 iyadoo kasoo bixisay 117 milyan oo Euro oo ay Real Madrid u shubtay.