TACSI KA TIMID AGAASIMAHA GUUD EE BAANKA SOMALILAND AXMED XASAN CARWO

Innaa Lilaahi wa Innaa ilayhi Raajicuun
Waxaan halkan Tacsi tiiraanyo Leh uga dirayaa dhammaan Awlaaddii, Ehelkii, Asxaabtii, Qoyskii, Qaraabadii, xigto, xigaal, iyo qaranka Somaliland, geeridda Marxuum: MAXAMED IBRAAHIM XAAJI MUUSE Guddoomiyihii Baanka DARA-SALAAM oo ku geeriyooday Wadanka Turkiga
Waxaan Marxuumka Rabbi uga baryayaa Dembi-dhaaf iyo Naxariis, Alle qabriga ha u nuuro, ha uga dhigo beer ka mid ah kuwa fardawsta sare, qoys,ehel iyo asxaabna heyna waafajiyo samir iyo duco. aamiin.
Xaaji Maxamed Waxuu ahaa addoon fiican, cibaado badan, dhiblaawe, qunyar socod ah, shaqo jecel oo naxariis badan.

Waxaan si gaara u tacsiyadaynayaa Shirkadda TELESOM GROUP iyo DARA-SALAM BANK, Saamiley iyo shaqaalaba.

 

Ahmed Hassan Arwo
Agaasimaha Guud
Baanka Somaliland
samotalis@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker