Dawlada Ethiopia oo Masar ku Tuhunsan inay ka Dambaysay Weerarkii lagu Laayay Saraakiisha Suudaaniyiinta ah

Wargeysada ka soo baxa dalalka carabta ayaa ka hadlay dagaal dhawaan ka dhacay xuduuda Sudan iyo Itoobiya oo ku dhexeeyay ciidammada Sudan iyo maleeshiyaad Itoobiyaan ah kaas oo khasaare ka soo gaaray ciidammada Suudaan iyo dad rayid ah.

 

 

Dagaalka kaddib waxaa dhacday in Suudaan ay u yeerto safiirka Itoobiya u fadhiyo Khartuum si wax looga weydiyo arrintaas, waxayna ku tilmaantay dhacdada “duulaanka maleeshiyaad taageero ka helayo xukuumadda Itoobiya ay soo qaadeen”.

 

 

Qoraayaasha wargeysada waxay ku kala aragti duwanayeen suurtagalnimada ah in dagaalka uu yahay “shirqool ay Masar waddo” kaas oo ay ku dooneyso in Itoobiya lala galo dagaal xulufo ah xilli xukuumadda ay Addis Ababa ka shaqeyneyso dhameystirka biyo xireenka webiga Nile ee muranka badan ka dhex dhaliyay Masar iyo Itoobiya.

Dowladda Masar waxay sheegtay in biyo xireenka uu saameyn ku yeelan doono saamigeeda biyaha Nile ay ka hesho.

Halka qoraayaasha qaarna ay rumeysan yihiin in Itoobiya ay ka faa’ideysaneyso waxa ay ku tilmaameen “kaalinta daciifnimada ah ee dalalka Carabta ee ku aadan wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah ee ka taagan gobolka isla markaana Itoobiya ay kaalinteeda ka qaadeneyso arrimaha gobolka.

“Dagaalka is xulufeysiga”

 

 

 

Maxamed Mustafe Jaamac oo ka tirsan jariiradda Ra’ayul Yawm ee ka soo baxda London wuxuu leeyahay: “Dagaalladan waxay dhacaan sannad kasta oo uu roob da’o, waana dhibaato ka taagan xadka Suudaan iyo Itoobiya, waxa dhacay ma ahaan arrin fudud oo la aqbali karo”.

 

 

Wuxuu intaas ku daray: “Dad badan oo reer Suudaan ah oo wax ku qoro baraha bulshada maka cabsanayaan arrinta ah in Suudaan ay ku cadaadiyaan in isbaheysi militari ay la yeelato Masar kaddib walaaca sii kordhaya ee ka dhashay muranka biyo xireenka webiga Nile xilli Itoobiya ay ku dhawday dhameystirka howshaas”.

 

 

“Waxay u muuqataa walaaca ay muujinayaan dhalinyarada reer Suudaan in uu yahay mid si dhab ah u jira maadama ay jirto daacadnimada aadka ah ee ay janaraalada ka arrimiyo Suudaan u hayaan Rajiimka Masar,

Imaaraatka iyo maamulka Sacuudiga… dadka wax ku qoro Online-ka ee Suudaan waxay codsanayaan in muranka labada dal lagu xalliyo qaab diblumaasiyadeed waa haddii Itoobiya ay aqoonsato dhulkan la isku hayo in Suudaan ay leedahay isla markaana laga hortaggo kooxaha weerarka ku soo qaadayo dalka iyo kheyraadkiisa”.

 

 

Axmed Jalal wuxuu wargeyska Al-Rakuubah ee ka soo baxa Suudan u sheegay: “Dadka qaar waxay ku deg degayaan faafinta hadallo aan waxbo ka jirin, waxanay arrinta ku tilmaameen ‘shirqool ay waddo Masar’ taas oo ah in dagaal lala galo Itoobiya iyado la matalayo Masar, sidoo kale in canaasiirta Masaarida ah ay doonayo in dab ay ka dhex shidaan Suudaan iyo Masar si loo joojiyo biyo xireenka weyn ee laga dhisayo webiga Nile”.

 

Wuxuu intaas ku daray: “Dadkan waxay iska dhaga tirayaan runta, waxayna tahay in ciidammada Itoobiya ay ahaayeen kuwii weerarka ku qaaday saldhigyada ciidammada Suudaan… waxay duullaan ku yihiin dhulkeena wanaagsan si ay u qabsadaan oo ay u maamulaan, ciidammadeena geesiyaasha ayaa iska caabiyay oo jab u geystay, tallabadaas waa shaqada loo igmaday.

 

 

Dhanka kale, Feysal Cawad Xasan oo wax ku qoray wargeyska Suudaan Mail ayaa yiri: “Sida ay muujinayaan daraasado la isku haleyn karo… waxay sheegayaan in Suudaan ay wajaheyso ‘ficil qabsasho ah’ gaar ahaan labo arrimo oo ku saabsan caqabado siyaasadeed iyo in looga guuleystay dhanka hubka iyo dhaqaalahaba”.

 

 

 

“Raadkii uu ka tegay ninkii carabka ahaa ee xanuunsanaa”

Cariib Rantawi oo ka tirsan wargeyska Dunyan Al-Wadanul oo ka soo baxda Falastiin wuxuu leeyahay: “Xaqiiqdii Itoobiya waxay qaddarin weysay dalalka uu maro webiga Nile isla markaana waxay sii wadatay fulinta qorshaheeda dhisitaanka biyo xidheenka,

kaligeed ayaa gaartay go’aanka buuxinta biyo xireenka, wax walaac ahna kuma hayo dhaqdhaqaaqyada ku saabsan muranka iyo xidhiidhka diblumaasiyeed ee Suudaan… waxay u muuqataa in ciidammada Itoobiya iyo maleeshiyaadka ay sii wadi doonaan difaacidda kumanaan beeraley ah iyo xoolo dhaqato oo Itoobiyaan ah oo ku nool xadka Suudaan” .

 

 

Wuxuu intaas ku daray: “Itoobiya waxay si wanaagsan daraasad ugu sameysay tabar darrada carabta ee ku aadan dadaallada wadahadallada, taas oo ku saabsan arrin horseedi karta ‘geeri iyo nolol’ waana tan webiga Nile… waxay taa badalkeeda ka war sugeysaa in wax ay la qeybsato ‘sida raadkii uu ka tegay ninkii carabka ahaa ee xanuunsanaa'”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker