Wiil Soomaali Ah Oo Xalay Lagu Dilay Degaan Ka Tirsan Dalka Koonfur Afrika

Rag burcad ah ayaa xalay  ku dilay dalka Koonfur Afrika Wiil Soomaali ah oo magaciisa la oran jiray Xuseen Cali Saqiir (Sayga).

 

Dilkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay degaan lagu magacaabo Naas oo ka tirsan gobalka Mpumalanga ee dalka Koonfur Afrika.

 

Goob joogayaal ayaa sheegay in marxuumka ay rasaas ku fureen rag burcad ah wax yar ka dib markii uu ka soo baxay Masaajid uu ku soo tukaday Salaada cishaha, iyagoo doonayey iney ka dhacaan mobile uu watay.

 

Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan gobolka Mpumalanga ee dalka Koonfur Afrika ayaa isku diyaarinaya iney aasaan marxuunka, iyadoo booliska dalkaas oo goobta soo gaaray aysan jirin cid ay u qabteen dilka marxuumka.

 

Soomaali fara badan iyo ajaaniib kale ayaa sanad walba lagu dilaa magaalooyin iyo degaano kale oo ka tirsan dalka koonfur Afrika, waxaana inta badan dilalkaas geysta burcad u dhalatay dalkaas oo dhac u geyta hantida dad ay dilaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker