Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (OWN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saaka ka dhacay duleedka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, balse ka kala amar-qaata guddoomiyaha degmada Dayniile iyo midka deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii askar ka tirsan kuwa ilaalada guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abuukar (Jacfar) ay tageen bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka Garasbaaley ee ka amar qaata guddoomiyaha deegaankaasi, Cabdiraxmaan Axmed Cali oo loo yaqaano (Garyare).

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalka dhex-mara labada ciidan ku dhintay ugu yaraan illaa saddex askari, iyadoona ay ku dhaawacmeen afar kale.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dagaalkaasi, balse wararka qaar ayaa sheegaya in la’isku hayo arrimo la xiriira dhul ku yaalla halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan yare degan, hase’ahaatee ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya oo ku aadan iska hor imaadkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker