Waa maxay Sababta ay Xisbiyada dalka Somalia u rabaan in Wadanka laga Eryo Francisco Madeira
Muqdisho (OWN) – Xisbiyada mucaaradka Soomaaliya ayaa shalay Ururka Midowga Afrika ka codsaday iney badalaan Ergayga u fadhiya Muqdisho kaas oo ay ku eedeeyeen inuu si aad ah ugu milmay siyaasadda kooxda xukunka heysa.
Francisco Madeira wuxuu wajahayaa eedeyn kulul, inkastoo uusan ka jawabin haddana waxaa la saluugay qaabka uu u shaqeeyo.
Madasha waxey ergaygaan ku eedeeyeen inuu garab u noqday Dowladda, isla markaasna raalli ka noqday faragalin ay kooxda talada heysa ku sameysay hab maamuuska doorashooyinka maamul goboleedyada.
Afhayeen Madasha Xisbiyada Qaran Cabdirisaaq Axmed Shoole ayaa ka dalbaday ergayga inuu si cadaalad ah u shaqeeyo mar uu gudbinayay dalabka shaqada looga eryayo.
“Wakiilka Midowga Afrika waa mas’uulka ugu sarreeya hawlgalka AMISOM, wuxuu dalka ku joogaa Sharci iyo heshiis, waa mamnuuc in Astaanta ciidanka AMISOM ay cid kale Xidhato,” ayuu Afhayeenka u sheegay Warbaahinta .
“In ciidamo aan ka mid aheyn kuwa AMISOM lagu faragaliyo doorasho maamul goboleed waa wax xad dhaaf ah, waxaana ognahay in AMISOM ay wadanka u joogaan la dagaalanka kooxaha argagixisada,” ayuu mar kale yidhi.
“Xadgudubyada la iska indho-tiray ay ciidamada Itoobiya ku hayaan madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya waxaa qeyb ahaan mas’uul ka ah guul-darrada wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira, kaasi oo laga rabay inuu xaqiijiyo in sumcadda Amisom aysan waxyeeleyn damac juqraafi siyaasadeed ee xubin ka mid ah.”