Ra’isal wasaarihii hore ee Wadanka Pakistan oo xabsiga loo taxaabay.

 

Nawaz SharifRa’isal wasaarihii hore ee Pakistan, Nawaz Sharif, ayaa la xidhay markii uu dalka ku noqday halkaas oo lagaga xukumay toban sannadood oo xadhig ah ka dib markii lagu helay musuqmaasuq.

Waxa uu ka degay magaalada Lahore, halkaas oo boqolaal taageerayaashiisa ahi sheegeen in loo diiday in ay mudaharaad {ay xadhigiisa ku diidanyihiin} ka dhigaan.

Isla markii la qabtay ba Sharif iyo inantiisa Maryam, oo iyadana hore loogu xukumay eedo kuwaa la mid ah, ayaa waxa magaalo madaxda Islamabad loogu qaaday diyaarad khaas ah.

Waxa lagu soo waramayaa in ay isku dhaceen taageerayaasha Sharif iyo ciidamada nabadgelyadu oo ay iskaga horyimaadeen mid ka mid ah darqiiqyada waaweyn ee gala Lahore.

Nawaz Sharif waxa uu ku maqnaa Britain markii maxkamaddu ku ridday xukunka, halkaas oo uu ku booqday afadiisa oo lagu dawaynayo magaalada London.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker