Bogcada istaraajiyadeed ee Gobolka Daadmadheedh ku yaalo iyo kaalinta uu ka qaadan karo horumarka Dalka!
Gobolka Daadmadheedh xaruntiisa Oodweyne waxaa laga yaaba in badan oo bulshada ahi ay ka dheregsantahay Taariikhdiisa oo ah mid aad u u facweyn taasoo caan ku ahayd falsafada aqoonta iyo xadaadarada ganacsi iyo beeraha iyo hodan tinimada ay leedahay Degmada Oodweyne kana dhigtay mid magaciisu meel sare gaadho
Waxaa hadaba is weydiin mudan Degmada Odweyne ma yahay meesha uu ku yaalo bogcad istaraatiiji ah ?
Jawaabta suashu waa haa waxay Oodweyne ku taala bogcad aad u istaraatiiji ah waxay u dhaxeysa Sadex Gobol Gobolka Maroodi jeex, Gobolka Togdheer, Gobolka Saaxil Iyo Kililka Itoobiya oo xuduud dheer la wadaagto
Waa isku xidhaha Gobolada Bari Iyo Gobolada Galbeedka waa marin aad u muhiim ah waxaanay ku tusinaysaa baaxada dhuleed iyo juquraafi ahaanba inuu yahay mid ku yaal wadnaha Somaliland Odweyne
Degmada Odweyne waxay Degmanimada la siiyay 1963
Waana Degmada qudha ee is bixin jirtay dhaqaale ahaan waagi somaliya aynaan kala go.in kana mid ahayd Degmooyinka ugu dakhli soosaarka Badnayd goboladii waqooyi intii aynaan somaliya kala go.in burcana kaabi jirtey,dhaqaale ahaan.
Oodweyne wuxuu xuduud la wadaaga Gobolka Maroodi jeex halka uu Gobolka Togdheerna uu la leeyahay xuduud Gobolka Saaxilna wuxuu dhinaca waqooyi kala wadaaga xuduud sadexda gobol ee somaliland oo qudha kuma eega xadkiisu se wuxuu dhinaca hawd la leeyahay xuduudka ugu dheer dalka aynu Jaarka nahey ee Itoobiya siiba kililka shanaad ee dalweynaha Itoobiya.
Waxay taasi ku tusinaysaa bogcada ama xudunta ay Oodweyne ku taalo inay tahay boos aad u istaraatiiji ah.
Gobolka Odweyne waa gobolka labaad ee Somaliland ugu balaadhan marka laga Reebo Gobolka Sanaag oo ah kan ugu weyn qaranka Somaliland dhul ahaan.
Gobolka Daadmadheedh wuxuu ka koobanyahay 4 Degmo,
A.Degmada Odweyne B.Degmada Xaaji Saalax
C.Degmada Harashiikh D.degmada Raydab Khaadumo.
GOBOLKA DAADMADHEEDH DEGMOOYINKIISA IYO MASAAFOOYINKA ISU JIRAAN.
Gobolka Daadmadheedh iyo Degmadiisa xaajisaalax waxay isu jiraan 115Km masaafo ahaan
Gobolka Daadmadheedh iyo Degmadiisa Raydab Khaadumo waxay isu Jiraan masaafo dhan 90km
Gobolka Daadmadheedh iyo Degmadiisa Harashiikh waxay isu jiraan masaafo dhan 43Km
Halkaas waxa kaaga cad inaanu gobol degmooyinkiisu masaafo intaas leeg ay isu jiraan aan gobolka Sanaag taasoo ka dhigaysa gobolka labaad ee bed intaas leeg ku fadhiya.
Oodweyne iyo Hargeisa waxay isu jiraan 140Km
Odweyne iyo Burco waxay isu jiraan 60km
Odweyne iyo Berbera waxay isu jiraan 200Km
Bedka uu oo Odwyne ku fadhiyo waa 350Km square oo laba jibaaran.
HODON TINIMADA OOĎWEYNE ILAAHAY KU MANAYSTAY
Gobolka Daadmadheedh waa mid hodan ku ah xaga beeraha iyo waxsoosaarka
Waxaa kusoo aroora in ka badan 7tog kuwaasoo waraabiya dooxooyinka waaweyn ee Daadmadheedh oo ku haboon waxbeerashada. tusaale ahaan dawladaha Jarmalku waxay Qiimeyn ay ku sameysay Gobolada waqooyi waagi dawladii Somaliya laysku odhan jiray.
inay Oodweyne tahay goobta ugu haboon beerashada bariirska iyo siidhka kalaba taasoo uu jarmalku ka sameeyay
Iskaashadada beeralayda dooxooyinka Gatiitaley, Galooley, iyo Xaaxi oo ah dhul juquraafi ahaan aad u qurxoon waxaa xasuusta mar uu madaxweynihii hore qaranka Somaliland ina Cigaal ilaahay ha u naxariisto uu booqdey Odwyen ayuu ku yara hakadey mashruuca weyn ee Xaaxi wuxuu tilmaamey hadii la beero mashruuca Xaaxi oo qudha inuu dalku ka maarmi lahaa Dibeda aynu ku tiirsanahay dhinaca waxsoosaarka.
Laga yaaba inaad is weydiiso hadii uu Odweyne sidan qani u yahay maxaa dib udhaca ku keenay 30kii sano ee u dambeeyay oo uga hadhay Gobolada lamidka ah ?
Waana dhab inay jirto dib udhac weyn xaga
horumarka Deegaanka ahi
Siday somaliland gooni isu taaga ugu dhawaaqdey waxaa Odwayne la saaray la dagaalan culeys dhaqaale taaso ay iskaga dambeeyeen xukuumadihi ukala dambeeyay tusaale ahaan Oodweyne waa degmada ugu xoolaha badan somaliland oo ah isha dhaqaale ugu weyn ee qarankani leeyahay waxaa madaxweyne Cigaal oo dano siyaasad dhaqaale curyaamin ah ka lahaa Odweyne dastuurka la mamnuucay inaanu xoolaha cashuurtooda cashuura karin ee neefka xoolaha ay cashuurtooda Burco iyo Hargeisa ay qaadaan taasoo naas nuujin ah balse cashuurtii ay xaqa u lahayd Odweyne ay cid kale qaatado taaso hagardaamo ku ah waxsoosaarka dhaqaale ee gobolka OOdweyne kamid Ahna culesyada ilaa maanta Degmadu la kacaakufayso ahna dabarna ku ah waxay xaqa u lahayd ee xeerka sumadiisu tahay number 14 ku Caqabada ku yahay
Degmada Oodweyne wuxuu Hodan ku yahay Xoolaha Nool.
Xoolaha nool waa isha dhaqaale ee ugu weyn ee umadani haysato ama qarankuba leeyahay
Odweyne wuxuu nasiibku siiyay inuu yahay gobolka ugu xoolaha badan Somaliland ay ka yimaadaan Dhamaan noocyada kala Duwan ee xoolaha iyo gamaankaba laakin nasiibku ma siin intay somaliland jirtay inay cashuurtooda qaadaan oo ay ku intifaacsadaan waa bulsho ka qatan hodantinimada ay ay lahayd degmadani taas oo dalka ku haysa qaabka loo maamulo ilaha dhaqaale ee aan ku saleysneyn habka wadaaga iyo wax wada lahaanshaha ee ku saleysan nin jeclaysi.
SHIDAALKA ODWEYNE ISNa WAA MIDKALE Oo KA MID AH QANIIMOOYINkA ILAAHAY SIIYAY.
Odweyne maaha gobol xoolaha iyo beeraha oo keliya hodan ku ah ee waa gobol ilaahay hodan gaara u siiyay inay yeesho Shidaal
Xogtii U dambeysay ee sahaminta shidaalka somaliland waxay shirkada Genel Energy
Ay xaqiijisay Block Odweine lagu guuleystay sahamintiisa shiidaalka waan bushaaro kale markale bulshada Fursad u siinaysa hagrashadii uu qarankani uu hagradey Odweyne inay kasoo kabado hadii dadkiisu isku tashado indhahana ay furtaan qiimihii iyo qabkii ay bulshadani lahayd markale soo ceshado fiiro gaar ahna u yeah aan.
WADADA OODWEYNE WAXAY IBO FUR DHAQAALE IYO HODANTINIMO U TAHAY GOBOLKA DAADMADHEEDH IYO BULSHADA KU XEERAN.
Wadada isku xidha Odwyne Burco iyo Hargeisa waa mid ay bulshada ku hareeraysan gobolka ay baahi weyn u qabaan xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Muuse Biixi Cabdi waxay balan qaaday inay bilaabayso wadadan oo aan indhaha lags qarsan karin taasoo aynu kawada dhursugi doono Halka ay ku biyo shubato hadii ay xukuumada madaxweyne Muuse ku guuleysato wadadan iyo dhismaheedu inta badan qaranku u sabab u ahaa inay halkan soo gaadho waxay noqon doontaa mid hodan nimo u horseeda bulshada somaliland.
Afeef hadii aan wax ka il duufey qormadaydan ,raali ha la iga ahaado bashar baan u ahay taase.
Qalinkaa wax suureeya
Kugu sima halkaad doonto
Saaxiib kal furan weeye
Sunto faro ku hayntiisa
Waligaa ha siidaynin.
Abdisalaan (ilkacase)