Khatarta Ku Duugan Beer Iyo Kelyo Aan La Garanayn Oo Wakhtigan La Inooga Soo Waariddo Dhinaca Itoobiya.
Iyaddoo lagu jirro xilligan adag ee ka hor-tagga cudurka halista ah ee karoona fayras,isla markaana ay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi qaaday talaabooyin dhowr ah lagaga hor-teggayo cudurkaasi, balse Xukuumadda ayaa u muuqata inau moogan tahay halista caafimaad darro ee ka dhalan karta Beerka iyo Kelyaha laga keeno dalka itoobiya, kuwaas oo halis ku ah caafimaadka Bulshada, madaama aanay wanaagsanay nafaadadoodu.
Ganacsato Macaash doon ah ayaa xiligan si toos ah dalka u soo geliya Beerkan iyo Kelyohan, iyadoo ay ka keenaan deegaanada dalka Itoobiya,waxaanay ku iibiyeen suuqyadda Magaalada Hargaysa iyo Magaalooyinka kale ee dalka Qaar kood sidda Boorama Gabiley iyo kuwa kale.
Geesta kalena wallow ay Xukuumadda joojisay qaadkii, balse haddana waxa si joogta dalka u soo galay gaadiid sidda shixnado beer iyo Kelyo laga keenay dalka Itoobiya,kuwaas oo aan sixidooda caafimaad ay liidato, isla markaana urta ka soo baxaysa gaadiidka lagu siddo iyo goobaha lagu iibiyo aanad u adkaysan karayn, waxaana xusid mudan in beerka iyo Kelyaha noocaas ay sameeyaan hudheelada waa weyn ee Magaalada Hargeysa habeenkii.
Dhanka kalene bulshada in yar ayaa ku baraarugsan halis caafimaad darro ee uga iman karta haddii ay quutaan beerka iyo Kelyaha aan sixidoodu wanaagsanay ee laga keeno dalka Itoobiya, halka ay inta kale ay keliya eegaa qiimaha jaban ku racaan oo keliye
Arrintan ayaa waxay saamayn ku yeelatay in Beerkii iyo kelyihii Xoolaheena oo caafimaadkooda la hubiyey inay dadkii ka shakiyaan oo ay u qataan inuu yahay kii laga sooo waariday dalka Itoobiya.
Dhinaca kale Ganacsatada Hargeysa oo aanu wax ka waydiinay arintan ayaa noo sheegay inay arintani niyad jab xoogleh ku abuurtay, islamarkaana muddo dheer dalka lasoo galinayay. Waxay ay noo sheegeen inay aad ula yaaban yihiin qaabka lagu soo dhaafiyo kaantarooladda dalka wakhtigan hadda oo lagu jiro wakhti heegan caafimaad, iyagoo farta ku fiiqay in beerkani la ag eryayo Beerarkii darayga ahaa ee dalka ee aad loo caafimaadiyo.
Gunaanadkii shacabka reer Somaliland ayaa waxay dhowrayaan in ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku dhiirato inay joojiso beerka iyo Kelyahaa aanay sixidoodu wanaagsanay ee ay xiligan la inooga soo waariddo dhinaca dalka Itoobiya.
Beer Iyo Kelyo Aan La Garanayn