Dawladaha Maraykanka iyo Israaiil oo Isku Khilaafay Qaabka Loola Wareegayo Dhulka Falastiin

Washigton (OWN) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu inuu wado  Aqbalo ama ka wada tago “Qorshaha Nabadda” Bariga Dhexe ee Trump uu ku dhowaaqay bishii January.

 

 

Isaga oo soo xiganaya ilo-wareedyo sare, ayaa Taleefishinka Israel ee Channel 13 waxa uu sheegay in Mareykuna ay ku war-geliyeen Netanyahu inaysan Suurta-gal ahay in qodobadii uu doono uu ka qaato Waxaa uu Ugu Yeedhay  “Heshiiska Qarniga”, si ay Israel dalkeeda  ugu darsato qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto.

 

Sida uu sheegay taleefishinka Israel, waxaa jira farqi weyn oo u dhaxeeya Washington iyo Tel Aviv, oo ku Aadan ku darashada Israel ee Dooxada Jordan, qeybta waqooyi ee Badda Dhimatay, iyo deegaano kale.

 

Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in maamulka Mareykanka ay weydiisteen Netanyahu inuu Heshiiska ku dhowaaqo ayada oo uu Asal u yahay laba dal oo ay kala yeeshaan Israel iyo Falastiin, haddii kale Washington aysan Ogolaan doonin qorshaha ku-darsashada.

“Shuruudda Mareykanka ayaa ah in Israel wada fuliso qorshaha, balse suurta-gal maaha inay ka qaadato qeybta ay doonto, si ay ugu darsato Daanta Galbeed,” ayuu yidhi Qof Xog-ogaal ah la hadlay Channel 13.

 

 

Safiirka Mareykanka ee Israel David Friedman ayaa sidoo kale ku wargeliyey Netanyahu in Trump uu doonayo in Israel ay fuliso qorshihiisa, oo wax kale aanu raali ka ahayn.

 

Trump ayaa 28-kii January  ku dhowaaqay wax uu ugu Magac dara “Heshiiska Qarniga”, kaasi oo xaqiijinaya laba dal oo ay kala yeeshaan Israel iyo Falastiin, hase yeeshee magaalada Qudus, ayada oo aan la kala qeybin, ka dhigaya caasimadda Israel.

 

 

Qorshahan ayaa sidoo kale dhigaya in Israel ay ku darsato deegaanada Yahuudda ee ay ka sameysay Daanta Galbeed iyo Dooxada Jordan, wuxuu diidayaa in qaxootiga Falastiiniyiinta ee caalamka ay kusoo laabtaan dhulkooda, iyo arrimo kale oo muran badan.

 

Falastiiniyiinta, oo Trump Xidhiidhka u jaray 2017, markii uu Qudus u Aqoonsaday caasimadda Yahuudda, ayaa si weyn u diiday qorshaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker