Daawo: Shacabka Magaalada Muqdisho oo Dab qabadsiiyay Sawirada Madaxwayne Farmaajo
Muqdisho ( OWN) – Waxaa cirka isku sii shareerayo Banaanbax ay dhigayaan qaar ka tirsan Shacabka Muqdisho oo loogu soo horjeedo askari ka tirsan Ciidamada Booliska oo Xalay Muqdisho ku dilay laba qof oo Shacab ah.
Banaanbaxa ayaa intiisa badan wuxuu ka dhacay Isgoyska Jubba illaa Daljirka Daahsoon, waxaana istaagay isku socodka dadka iyo Gaadiidka.
Dadka banaanbaxa dhigayo ayaa gubay tabeele uu ku dhaganaa sawirka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoo ku dhawaaqayey ereyo liddi ku ah Madaxweynaha.
“Farmaajo ha dhaco, guba Farmaajo, guba Farmaajo,” ayey ku qeylinayeen shacabka.
Haweeneyd kamid ah dadka Muqdisho ayaa madaxweynaha weydiisay ” Madaxweyne Cadaalad miyaa iyadoo soon ah in hal saac bandow magaalada laga dhigo, oo aan soo gadan weyno afar iyo Saxuur? Xaq miyaa in gabar maalmo yar ka hor dhashay la dilo?
Qaar badan oo ka tirsan dadkaas oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inuusan banaanbaxa istaagi doonin illaa Cadaaladda la hor keeno askarigii dilka geystay isla markaasna wax laga badalo mandowga saaran Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo banaan baxayaasha kula hadlayay fagaaraha Daljirka Dahsoon ayaa ka dalbaday inay is dejiyaan, isagoo ka tacsiyadeeyay dhibkii dhacay, ayna dowladdu u xirtay askarigii dilka geystay oo xabsi ku jira.
Halkaan hoose ka daawo sawirka madaxweyne Farmaajo oo la gubayo.