Qiimaynta Ciyaartoyga Ugu Wanaagsan Koox Kasta Oo Ka Ciyaarta Premier League ee Dalka Ingiriiska
Horyaalka Waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxa uu ku dhow yahay dhamaadkii, waxaana hadda socota qiimaynta laacibiinta ugu Wanaagsan ee ku tartami doono xiddiga Horyaalka ee Sannadka ee Abaal-marinta PFA, taas oo la rumaysan yahay in midkood ku guuleysan doono dhawr Ciyaartoy oo haddaba calaamadsan.
Xiddiga kooxda Manchester City ee Kevin de Bruyne, Saddexda Liverpool ee Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Virgil van Dijk ayaa safka hore kaga jira ciyaartooyada la saadaalinayo in midkood la guddoonsiin doono abaal-marinta PFA, hase yeeshee, waxa aanu halkan idiinku soo bandhigaynaa qiimaynta ciyaartoyga ugu wanaagsan koox kasta oo ka tirsan horyaalka Premier League.
Horyaalka oo ay ka hadhsanaayeen wax ka yar Toban kulan, waxa dhamaan kulamada dib Loo dhigay illaa bisha April si looga dhursugo haddii uu yaraado xanuunka sida ba’an u faafaya ee Coronavirus oo dunidu ‘Musiibo Dabiici’ ah u Aqoonsatay, haddii kalena loo gudbi doono marxalad kale oo laga wada fadhiisto dhinacyada ay qusayso.
Qiimayn iyo Xog-ururin lagu sameeyey ciyaaryahannada dheelay in ka badan 1000 daqiiqadood xili ciyaareedkan ayaa waxa lagu soo bandhigay ciyaartoyga ugu wanaagsan koox kasta oo Premier League, ah.
Dhamaan ciyaartoyga, waxa qiimaynta kaalinta ugu sarraysa ka galay laacibka Manchester City ee Kevin de Bruyne oo helay qiimayn ah 7.95, waxaanu boodhka ku qasay xiddiga Liverpool ugu qiimaynta badan ee Sadio Mane oo haysta 7.50, kaalinta labaadna ay ku wada jiraan Ricardo Pereira oo ka tirsan Leicester City.
Kooxda kubadda cagta Arsenal oo xili Ciyaareedkan dhibaatooyin badan soo dhex-dabbaalatay waxa kaalinta koowaad u galay Saxeexooda cusub ee Nicolas Pepe oo ka sare maray Aubameyang, Lacazette iyo dhamaan ciyaartoyga kale, laakiin Chelsea oo xili ciyaareeddadii ugu dambeeyey ay ishu haysay laacibiinteeda khadka dhexe sida N’Golo Kante iyo Jorginho, waxa hoggaaminaya baasha reer Brazil ee Willian.
Halkan kaga bogo qiimaynta 20-ka ciyaartoy ee ugu qiimaynta sarreeya 20-ka kooxood ee Premier League
Arsenal: Nicolas Pepe – 7.19
Aston Villa: Jack Grealish – 7.33
Bournemouth: Phillip Billing – 7.00
Brighton: Dan Burn – 6.95
Burnley: James Tarkowski – 7.11
Chelsea: Willian – 7.25
Crystal Palace: Wilfried Zaha – 7.06
Everton: Richarlison – 7.32
Leicester: Ricardo Pereira – 7.50
Liverpool: Sadio Mane – 7.50
Manchester City: Kevin De Bruyne – 7.92
Newcastle United: Allan Saint-Maximin – 7.18
Norwich: Emiliano Buendia – 7.24
Sheffield United: Chris Basham – 7.00
Southampton: James Ward-Prowse – 7.09
Tottenham: Harry Kane – 7.30
Watford: Troy Deeney – 7.14
West Ham: Sebastien Haller – 7.21