Shirkada SOMTEL Ayaa Daah Furtey Adeega Cusub Ee RISAALA Iyo Qiimo Dhimis Dhinaca Internet-ka Iyo Ku-Hadalka

Hargeysa (OWN)-Shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee SOMTEL ayaa waxa ay maanta daahfurtey adeeg cusub oo la magac baxay Risaalaย  , kaas oo ay ugu talo gashay in lagaga baxo xaaladan adag ee uu sababey xanuunka COVID 19 isla markaana dhanka kale lagaga faaโ€™ideysto bisha barakeysan ee Ramadaan ee fooda inagu soo haysa

Adeegan cusub ayaa isugu jira laba nooc , qeybta koowaad ayaa ah in aad Mobile-kaga Somtel aadย  ka baran kartid diinteena Suubaan ee Islaamka , Axaadiista , Tafsiirka Qurโ€™aanka iyo Muxaadirooyin adiga oo gurigaaga jooga , waxaana aad garaaceysaa Number-ka gaaban eeย 288

Qeybta labaad ayaa ah Xidhmo cusub oo internet ah taas oo ah in aad ku shubato $1 kaadhkaaga SOMTEL isla markaana aad heshidย 5 GB oo Internetย ah iyoย 500 Minuteย oo ku hadal ah waana xidhmo todobaadle ah.

Ugu Horeyn waxaa madasha lagu soo bandhigay adeegan ka hadlay Madaxa suuq geynta ee shirkada SOMTEL Khadar Abdiraxmaan Abdilaahi isla markaana sheegay in shirkadu ay sameysay qiimo dhimis 250 % ah , taas oo noqoneysa qiimo dhimistii ugu weyned ee abid ay shirkadu sameyso

โ€œ Waxaanu maanta dooneynaa in aan halkan macaamiisha Somtel ugu soo bandhigno qiimo dhimistii ugu weyneed ee shirkadu ay sameyso taas oo ah boqolkiiba laba boqol iyo konton 250ย  % , waxaana ay qiimo dhimistani ay tahayย  dhinaca ku hadalka kaadhka Somtel iyo dhinaca Internet-ka .

Tusaale ahaan hadii aad 1 $ ku dhubatid kaadhkaaga Somtel waxaad helaysaa 5 Gb oo Internet xawaare sare leh iyo 500 Minute oo ku hadal dalka gudihiisa ah โ€œ ayuu yidhi . Khadar Abdiraxmaan Cabdilaahi

Waxaana uu hadalkiisa ku soo diray โ€œ Waxaanu sidoo kale aanu halkan maanta ku soo bandhigaynaa adeeg aanu u bixinay RISAALย  kaas oo aad ka baran kartid shareecada islaamka , Tafsiirka quraanka iyo muxaadirooyin adiga oo garacaaya Numberkaย 288 ,ย ย sababaha ugu weyn ee aanu arintaas u sameynayna waa in aanu la dareen noqono bulshada macaamiisha noo ah xiligan lagu jiro wakhtiga adag ee uu sababay xanuunka Covid 19ย  โ€œ ayuuย  hadalkiisii ku sooย  gabo gabeeyey madaxa suuq geynta ee shirkada SOMTEL Khadar Cabdiraxmaan Cabdilaahi

Sidoo kale waxaa isna madashaasi ka hadlayย  aqoon yahan Axmed Goolcade ย oo ka socdey Jaamacada Hargeysaย  oo madasha ka sheegay in adeegan RISAALA ee shirkadu maanta shaacisay uu yimid xiligii loogu baahida badnaa loona baahnaa

Jaamac Muuse Jaamac gudoomiyaha xarunta dhaqanka ee Hargeysa ayaa isaguna shirkda SOMTEL uga mahad celiyey adeegan cusub ee ay maanta soo bandhigtay , kaas oo ay bulshadeeda uga faa,ideynayso ย xili dalalka aduun-yadu ay ku jiraan marxalad adag

โ€œย  Aniga ooย  ku hadlaya afka ururada Bulshada Rayidka ahย  waxaan halkan uga mahad celinayaa shirkada SOMTEL oo maanta macaamiisheedaย  u soo bandhigtay adeegyo faaโ€™ido iyo waxtar u leh bulshada isla markaana ka jawaabtay baahidii iyo rabitaankii bulshada wakhtigan adag ee lagu jiroโ€œ ayuu yidhi Dr. Jama Musse Jama

Gudoomiye ku xigeenka Shirkada SOMTEL Cabdinasir Daa , uud ooย  kelmado kooban madashaasi ka yidhi ayaa sharaxayย  ujeedka ay shirkadu ka leedahay soo bandhigida adeeg-yadan cusub waxaana uu yidhi

โ€œ Ujeedka ay shirkadu ka leedahay adeegan cusub ee RISAALAย  ayaa ah in qof miiga jooga ee beertiisa iyo xoolihiisa dhex joogaย  uu baran karo diintiisaย  hadii ay Qurโ€™aanka tafsiirkiisa noqoto iyo hadii ay muxaadirooyin noqoto-ba .

Sidoo kale qeybta labaad ee adeegan oo ah qiimo dhimista dhinacaย Internet-kaย iyo dhinacaย ku hadalka ahย  , Mar kasta ma fiicna in shirkadu eegato danteeda ama faaโ€™ido iyada soo gasha balse waa inayย  u ogolaataa bulshadeedana inay ka faaโ€™idaan shirkada , markaas anaga oo taas ka duuleynaย  waxaanu sameynay qiimo dhimista intaas leegย  oo ay adag tahay in hal mar ay shirkadi sameyso qiimo dhimis intaas leegย  , waxaana aanuย  sidaas u sameynayย  sidii aanu ula dareen noqono bulshada noo macmiisha ah ee saameynta uu ku yeedhay xanuunka Covid 19 โ€œ ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka shirkada SOMTEL Md Cabdinaasir Daa,uud

Ugu danbeyn waxaa shirkada SOMTEL uga mahad celiyey isla markaana faah faahiyey mihiimada uu adeegani bulshada u leeyahay agaasimaha Awqaafta ee wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland Cabdale iibrahim

โ€œ Adeeganiย  Risaala waaย  midย  guud ahaan bulshadaย  gaar ahaanย  macaamiisha shirkada SOMTELย  faaโ€™ido aan halkan laga sheegi Karin u leh , shirkadana uu ajar weyn oo ay dhawaan intifaaciisa arki doonan uu ugu jiro ilaahay ha idinka abaal mariyo ayaan idin leenahay .

Shaqadani waa shaqadii wasaarada Diinta iyo awqaafta , shirkadu hore wasaarada barnaamij-yo badan ayay ula gacan qabatay kan maanta-na kuwaas buu ka mid noqon doonaa โ€

โ€œ Qiimo dhimista intaas leeg ee ay hal mar shirkadu ku dhawaaqdey-na waxay na tuseysaa lexo jeclada iyo damqashada ay shirkadu macaamiisha u hayso , waxaana aanย  leeyahay aniga oo ka mid ah macaamiisha SOMTEL waad ku mahadsanย  tahiinย  inaad nala dareen noqotan xiligan adag ee dalka iyo dadkuba ku jiraan ย , waxaana aanu idin leeyahay halkaas ka sii wada dadaalka aad korย  u qaadeysaan ย diinta iyo u adeegida maaciishiina ba u wadaaan โ€œ ayuu ku soo gabo gabeeyey hadalkiisii Cabdale Ibrahim agaasimaha awqaafta ee wasaarada diintaย  iyo awqaafta Somalilandย  .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker