Wasiirka Gaadiidka Iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe Ee JSL Oo Kormeer Ku Tagay Waddada Isku Xidhi Doonta Burco, Oodweyne iyo Hargaysa.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kormeer ku soo maray waddada isku xidhidoonta Burco, Oodweyne iyo Hargaysa.

Sida uu ku soo waramayo wariye Muuse Saleebaan Maxamed, oo wakaaladda wararka Somaliland ee solna uga soo warama gobolka Daad-madheedh, waxayna weftiga ay hogaaminayaan wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland kormeer ku soo mareen waddada isku xidhi doonta magaalooyinka Bruco, Oodweyne iyo Hargeysa, iyaga oo kulan la qaatay odayaasha iyo mas’uuliyiinta gobolka Daad-madheedh iyo ka degmada Oodweyne.

Ugu horreyn waxaa halkaas ka hadlay maayarka degmada Oodweyne Cabdixakiin Nuur Muuse iyo guddoomiyaha gobolka Daad-madheedh Nuur Cismaan Guuleed, oo sheegay in ballan qaadkii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ee gobolka Daad-madheedh oo ahayd inuu dhameystiro waddada isku xidha Togdheer, Daad-madheedh iyo Maroodi-jeex ay dhawaan si rasmi ah u bilaamayso.

Dhankooda salaadiin, cuqaal, odayaal iyo waxgarad kale oo halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyey bilaabida waddadaas, iyaga oo madaxweynaha uga mahad-celiyey hirgelinta waddaas sheegayna in ay doorkooda ka qaadan doonaan.

Waxa iyana halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo guddoomiyaha baanka dhexe Cali Ibraahin Jaamac (Baqdaadi) oo sheegay in hada ay socoto qiimeyntii iyo sahamintii isla maraakana ay dhanka xukuumadda ka soo dhamaatay hirgelinta waddadaasi, waxayna intaas ku dareen in waddadaasi ayna ahayn mid ku kooban gobolka Daad-madheedh oo kaliya balse ay isku xidhi doonto gobollada bariga iyo galbeedka ee dalka.

Waxayna bulshada ku dhaqan gobolkaas u soo jeediyeen in ay gacan siiyaan hawl-wadeennada ka shaqeynaha waddada dhan kasta oo ay noqotaba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker