Farxad Aroos Ka Dhacaysay Dalka Hindiya Ee Isu bedeshay tacsiyada iyo tiiraanyada
Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay ka dib markii ay ceel ku dhaceen xilli ay socotay xaflad aroos oo ka dhacday gobolka Uttar Pradesh ee waqooyiga Hindiya.
Booliska ayaa sheegay in dhibbanayaasha oo u badnaa haween iyo caruur ay ku dul taagnaayeen saqaf bir ah oo ceel lagu daboolay , balse markii dambe uu culeuskoodii sababay inay u go’do birtii, sidaasna ceelka ugu dhacaan.
Labo qof oo kale ayaa ku dhaawacantay shilkan oo ka dhacay degmada Kushingar.
Shilkan ayaa dhacay fiidnimadii Arbacada xilli ay socotay xaflad aroosdhaqameed, gaar ahaan iyadoo gabadha la guursanayay wajigeeda lagu dhajinayay koollo astaan u ah barwaaqada.
Markii uu dadka ku dumay saqafka ceelka, ayaa martidii xafladda ka soo qayb-gashay waxay u gurmadeen dadka dhintay, waxaana la geeyey cusbitaal ka ag dhawaa, halkaas oo 11 qof markiiba la xaqiijiyey inay dhinteen, ka hor inta aan la shaacin laba qof oo kale ay gadaal ka dhinteen, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay booliska.