Imtixaankii Shahaadiga ahaa Ee Gobolka Sanaag Oo Kudhaabmay Waddada Udhexaysa Togdheer Iyo Sanaag

ย 

 

Ceerigaabo(OWN) Gaadiid sida Imtixaanka Shahaadiga fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo fasallada 4-aad dugsiyada sare ee gobolka Sanaag ayaa muddo dhawr iyo labaatan saacadood ah waxay ku dhaaban yihiin waddada u isku xidha gobollada Sanaag iyo Togdheer kaddib markii dhowaan roobab xooggani ka daโ€™een degaannadaas.

 

Gaadiidkan ayaa sida lasheegay waxay kolkii hore kudhaabmeen jahada galbeedka ee magaalada Berkedda Cali Xirsi, halkaasoo cagaf-cagaf weyn ugu timid oo ka saartay gaadidkaas, balse waxoogey kolkay jahada bari u dhaafeen magaaladaas ayay haddana ku aasmeen degaankaas, waxana wararku sheegayaan in la rajaynayo mar kale cagaf-cagaftaas weyni inay halkaasna ugu iman doonto gaadiidkaas.

 

Dhinaca kalena imtixaankan oo loo muddeeyey guud ahaan inuu Somaliland kabilaabmi doono sabtida soo socodta oo hal maalin keli ahi innaka xigto ayaan la saadaalin karin xilliga ay suurtagal noqon karto in gaadiidkaas imtixaanka xanbaarsani soo gaadhi doonaan degaannada gobolka Sanaag, iyadoo haddii maalinta bilawga imtixaankaasi ku kala horreeyo Somaliland iyaduna ay keeni karto fashilaad kutimaadda sirta qarsoon ee imtixaankan ku duugan.

 

Waxana xusid mudan inay meesha ka muuqato waddo laโ€™aan mar kale soo foodsaartay isusocodka gobollada Sanaag iyo Togdheer iyadoo sannadihii ugu danbeeyeyna waddadaas xukuumadda Somaliland ka waddey dhisme uu ku baxayey kharash fara badani taasoo maanta madhaxeedii aan bulshadu helin.

 

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker