COV19 MA CADDAALADBAA XAGGA RABBI KA TIMI MISSE WAA CUDUR ILBAXNIMO CUSUBI KA DHALAN DOONTO-WAA QUESTION OF THE MOMENT LA ISWEYDIINAYO
Xaalka suldaanadu waa MAAFISHKABA KEEN OO MARAQA KU SOO BADI Somalidu waxay ku maahmaahi jirtay QUUD AAN JIRIN QORYO U GURO. HORTA HADDII SHIRKII FARMAAJO IYO MUSE EE DAAHA DABADIISA AHAA HORTA HUBAAL WAXA LAGA WADA HADLAY ADDUUNBUU HAA . waxaa somalidu tidhaa ninbaa habeen madaw aqal madaw galay markaasuu far taagay subaxii baa fartaag loo bixiyey. Horta Muse waa fartaaggaa waxna Somalida lagama qarin karo. Waxaa CADDAYNAYA arintaa dhawr metalood ta koobaad Farmaajo wuu ka hadli waayey arintaa, Muse wuu ka hadli waayey arintaa arintaasi taasaa caddaynaysa inay adduuntay. Suldaanadda hadlayna arinkoodu waa dhiga badhkayaga markaa arimaha noocaasi Somalida labada dhinacba waxay tusaysaa in aan SOMALILAND na Ictiraaf u Socon Somaliyana aanay Somaliweyn u socon ee labada shacabba la khiyaamaynayo. Ethiopia iyadu maanta bad iyo Dekedo ay yeelatay doonaysaysaa. Laba Madaxweyne oo qol Isla galay oo waxay ku wada hadleen miisaskii iyo shirarkii wasiirada lagaga dhex hadli kari waayey waa mid SUBXAANA leh labada Madaxweyne ba waxay ku wada hadleen ee Abi Ahmed uu waday hadday sidaa labada shacab uga qarsadaan ma qarin karaan oo imikaba waa lawada ogyey inay lacag kawada hadleen, Suldaanaduna waa muraayadda shacabku ka daawado siyaasiyiintu waxay kolba ku fooggan yihiin. Suldaanadu SOMALILAND waa (gate keepers) qabaailka, waxa qabaailku doonayaan iyagay soo maraan, waxa Xukuumaddu doonaysaana iyagay soo maraan, marka dhinac laga dhaafona way qayliyaan oo shacabka ay dhegahooda haystaan bay ku dhex dhacaan. Hadday wax cunnaana way aamusaan shacabkana qaboojiyaan; was tallaagadaha shacabka qaboojiya.
Cudurkan hadduu SOMALILAND yimmaado iyagoo ku sugan dawladdii iyo Xukuumaddii iyo baarlamaankii , Guurtidii, qabaalikii oo kala qaybsan oo caddaalad darro, muran iyo madax adkaan Cudurkani wax kasta kasoo soko maray iskama xejin karaan wada shaqayn la’aan . Wada shaqayni ma iman karto iyadoo caddaalad darro buuxdo ee nin walba cidlay ku qabsanaysaa. Somalidu waa dad qalbigu dhagaxoobay oo is jeclaantu dhaqankooda waa ku ceeb markaa somalidu tidhaa GEELOW SOCO OO SOCO WELIGAABA MAALINTAAD CIIN DAAQDAABAA LAGUU YAQAAN.
DUNIDU MAANTA WAXAY ISKU HAYSAA COV19 TOLAW MA CADDAALADBAA XAGGA RABBI KA TIMI MISE WAA CUDUR MARKUU DHAMMAADO HORUUMAR CUSUB DHALIN DOONA. DUNIDA KALE HORUUMARKA WADADA AY UMARAAN WEY YAQAANIIN LAAKIIN TOLAW SOMALIDU HORUUMARKA MA WAXAY U MARI SOMALILAND IYO SOMALIA OO KALA GOA MISE SIDA RAG FIGRADOODA KU CABBIREEN ‘ MAR KALE IYO MIDNIMO. ARINANI DHINACAY DOONTO HA NOQOTEE RESEACH IYO CILMI BAADHID WEYN BAY U BAAHANTAY IYO FIKIR DHABA OO LAGA MIDHO DHALIYO.
( Diatribes of INCENTIVES will not take SOMALILAND any where)
M BASHE