Raisal Wasaarihii Hore Ee Liibya Oo U Geeryooday Xanuuunka Coronavirus
Ra’isal wasaarihii hore ee dalka Liibiya Maxamuud Jibriil ayaa u Geeriyooday cudurka Coronavirus oo uu ber Yahan dambena la il darnaa. Geerida Marxuumka waxaa xaqiijiyey xisbiga Siyaasadeed uu marxuumku ka tirsanaa.
Mr Jibriil oo ay da’diisu 67 jir ahayd wuxuu Ku Sugnaa Dalka Masar Markii Uu Haleelay Cudurka Coronavirus Bishii March ee aynu soo dhaafnay .
Wuxuuna xilka soo hayey xilligi uu golaha ku meel gaadhka ah uu talada dalka Liibiya hayey, golaha ku meel gaadhka Qaran xilliga uu dalkaasi ka soo kabanayey dagaalladii sokeeye ee ka qarxay 2011-kii.
Xilliga golahaasi ku meel gaadhka ah uu dalka Libiya ka jiray ayuu Maxamed Jibriil soo noqday Ra’isal wasaare ku meel gaadh ah marki xilka laga tuuray madaxweynihi hore ee dalkaasi Muammar Qadaafi.
Axaddi ayuuna Covid-19 ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Dowladda Liibiya ka arrimisa ee caalamku laga aqoonsan yahay oo tacsi u dirtay Ehellada marxuumka waxay Maxamuud Jibriil ku tilmaameen inuu ahaa ‘Astaan Qaran’.
Muddo 7 bilood ah ayuu Mr jibriil ra’isal wasaare ka soo ahaa dalka Liibiya, isaga oo lagu xusuusto inuu wakhtigaasi howla badan uu ka soo qabtay dib u heshiisiinta iyo sidi dagaallada Liibiya ka qarxay loo soo afjari lahaa.
Marka uu xilka ka dagayna wuxuu aasaasay xisbi siyaasadeed uu isagu hoggaaminayo oo uu ugu magac daray Xoogagga Isbahaysiga Qaran (NAF).
Dhinacyada siyaasadda Marxuum Jibriil taageersanna siyaasaddiisu waxay ku tilmaamayeen inuu ahaa nin ay siyaasaddiisu fog tahay aragti dheerna leh oo wax badan ka beddeli lahaa siyaasadda waddamada dhaca Waqooyiga Afrika.
Xisbigiisa oo doorashadi baarlamaanka ee Libiya ka dhacday 2012-kii ka qayb galayna wuxuu helay aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka.
Xilligi uu dalka Liibiya ka soo talinayey madaxweynihi hore Mu’ammar Qaddaafi Mr Jibriil wuxuu madax u ahaa guddiga horumarinta dhaqaalaha qaranka ee Liibiya.
Inta ay dagaallada sanadaha badan socday ka qarxeen dalka Liibiya oo ay kooxa kala duwan isku hayeen siyaasadda dalkaasi, Maxamuud Jibriil wakhtigiisa ugu badan wuxuu ku qaatay waddamada Masar iyo Imaaraadka Carabta.
Wuxuuna xiriir aad u dhow uu la lahaa Madaxda Howlgalka Qaramada midoobay ee Liibiya isaga oo kaalin mug lehna ka soo qaatay shirar iyo kulammo nabadgalyada Liibiya looga hadlayey oo dlkaasi ka dhacay