Dawlada Federaalka Somalia oo Hakisay Bixinta Passporada

 

Muqdisho (OWN) – Hay’adda socdaalka iyo jinsiyasadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta shaacisay inay muddo kooban hakad-gelisay qabashada codsiyada baasaboorka, sababo la xadhiidha cudurka faafa ee Coronavirus.

 

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in beri oo Talaado ah wixii ka dambeeyey la joojiyey howlaha bixinta bixinta baasaboorka.

 

Sidoo kale hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ayaa tilmaamtay in go’aank ay qaadatay, kadib markii ay sii kordheen digniinaha la xadhiidha Fayruska Corona oo soo gaaray dalka.

 

 

Hay’adda ayaa sidoo kale intaasi ku dartay inay Ummadda Soomaaliyeed ku soo war-gelin doonto waqtiga dib oo bilaabayo qabashada codsiyada baasaboorka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker