Somaaliland Oo Shaacisay Natiijaadii kasoo Baxday Dadkii Laga Baadhay COVID 19.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Soomaaliland Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa Shaaciyey natiijada dad laga baadhay Cudurka Coronavirus ee ku sugan deegaannada Soomaaliland.

 

 

Agaasimaha waxaa uu sheegay in dadkii badnaa ee baadhitaanka lagu sameeyey ilaa iyo hadda laba ruux laga helay Cudurka COVID 19 inta ka hartayna ay xaaladooda Caafimaad ay wanaagsan tahay.

 

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay baaritaan ku sameeyeen dad la kulmey Labadii qof ee laga helay Cudurka Corona,isla markaana la xaqiijiyey in dadkaasi aysan qabin cudurka oo ay Caafimaad qabaan.

 

 

Ugu dambeyn Agaasimaha horumarinta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland Maxamed Cabdi Xergeeye waxaa uu sheegay in dhamaan Gobolada Soomaaliland laga furey Xarumo loogu tala galay in lagula tacaalo hadii la arko dad uu asiibay Xanuunka.

 

 

Soomaaliland ayaa waxaa ay kamid tahay deegaannada sida weyn dagaalka ugu jira inay ka hortagaan Cudurka Coronavirus,waxaana ay qaadeen tallaabooyin dhowr ah oo looga hortagayo Cudurkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker