Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland oo si Diiran usii Galbiyay Gudoomye Maxamed diiriye Xayd

Guddida Qandaraasyada Qaranka Oo Munaasibad Hadhimo-sharafeed Ah Ku Sagootiyay Badhasaabka Cusub Ee Gobolka Togdheer    Maxamed Diiriye Xayd Dubjr .

oo Maantii Axada ahayd ee aynu Soo dhaafnay uu Madaxwaynaha Somaliland u Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ka dib markii uu Geeriyooday AHN Badhasaabkii Hore ee Gobolkaasi Marxuum ( Xamse Maxamed Cabdi Walaaleeye.)

Xubno ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka
Somaliland Nuux Maxamed Xuseen,

Gudoomiye ku-xigeenka guddidaasi iyo
Agaasimaha guud Guddida Qandaraasyada Qaranka iyo xubno kale oo
madasha hadhimo-sharafeedka ah ka hadlay ayaa weedho duco iyo
dardaaran ah kusii sagootiyay Maxamed Diiriye Xayd (Daljir)

Oo Tirsanaaa guddida, waxaanay ka warameen doorkii firfircoonaa ee  uu kaga jiray guddidan, geeska kalena waxay si diiran usoo dhaweeyeen Xubinta Cusub ee Madaxwayne Biixi ku Badalay Booskii uu Baneeyay  Masuulkaas oo ah Muuse Jaambiir.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker