Maxaa laga Filikaraa Kulanka Maanta dhexmari doona Man United iyo.Man City
Manchester United iyo Manchester City ayaa markii 183aad iska hor imanaya Sabtida maanta iyadoo ay waliba hal-dhibcood oo kaliya kala sarreeyaan, labadoodubana ay ku jiraan xaalad aan wanaagsanayn.
United iyo City ayaa xili Ciyaareedkan ku bilowday qaab niyad-jable balse waxay Usbuucyadii ugu dambeeyey si tallaabo-tallaabo ah ugu soo kacayeen sare iyadoo ay dersin kooxo ahna ka horreeyaan.
Manchester United oo kasoo hadhay tartanka Champions League ayaa u dagaallami doonta inay dib ugu soo laabato jidka guusha oo ay waliba kooxda ay deriska yihiin .
Saddexda dhibcood ka xuubsato si ay jamaahiirteeda niyaddu ugu soo noqoto, laakiin Man City ayaa iyaduna tilmaansatay meelaha ay ka liidato Red Devils ee ay ka jabin karayso sidii ay RB Leipzig ku samaysay usbuucii hore.
Guul-darrooyin 3-2 iyo 3-1 ah oo ay Manchester United u xambaariyeen PSG iyo RB Leipzig, waxay keentay inay u degaan Europa League oo ay xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ka ciyaari doonaan, iyadoo ay halkaasna joogaan kooxo kale oo waaweyn iyo naadiyo yaryar oo u diyaarsan inay bahdilaad ku sameeyaan kooxaha tunka weyn leh.
Rikoodhkii cajiibka ahaa ee sagaalka guulood ee xidhiidhka ahaa ee Horyaalka iyo inaan laga badinin tan iyo bishii January, waxay tababare Ole Gunnar Solskjaer kooxdiisu xili ciyaareedkan kula soo laabatay niyad-jabyo iyo iyadoo si xun garaacay kulankii Tottenham.
Qisada United ee xili ciyaareedkani, waxay gebi ahaanba ka duwan tahay middii qaybta dambe ee xili ciyaareedkii hore, waxaanay waqti horeba madaxa la gashay dhibaatooyin lama filaan ah oo keenay in su’aal la iska weydiiyo tababare Ole Gunnar Solskjaer iyo mustaqbalkiisa.
Solskjaer waxa guul uu soo hooyo caawa uu ku caddayn karaa, in xili ciyaareedka Manchester United aanu u xumayn sida ay dadku ka sheegayaan,
Waxaana uu si ku-meelgaadh ah ay kooxdiisu laba dhibcood ugu jirsan kartaa naadiyada hoggaanka haya ee Tottenham Hotspur iyo Liverpool oo iyagu Axadda dheelaya.
Dhinaca kale, Manchester City ayay u tahay xili ciyaareed aanay haysanin farxadihii iyo guulihii xarragada lahaa ee ay waqtigan ku naaloon jireen figta sare ee miiska kala-sarraynta amaba ay labaadka cidhiidhsanayeen.
Xaqiiqada ay jamaahiirta labada kooxood u daliishan karaan xaaladaha ay labadooda kooxood ku kala jiraan ayaa waxay tahay, in Manchester United ay lix dhibcood ka sarrayso halkii ay ku jirtay xili ciyaareedkii hore marxaladdan oo kale, laakiin Man City ay afar dhibcood ka hoosayso halkii ay ku jirtay.
Arrinta kale ee caddaynaysa in Man City ay xaaladdeedu liidato ayaa waxay tahay in hal mar oo kaliya ay laba guulood oo xidhiidh ah gaadhay, waxaanay ahayd kulankii Fulham ee usbuucii hore, balse dhinaca kale, waxay la kulmeen hal-guuldarro oo kaliya oo ahayd ciyaartii Tottenham.
Xogta kulanka
Ciyaarta: Manchester United vs. Manchester City
Tartanka: Premier League
Waqtiga: 8:30pm – Saacadda Geeska Afrika
Garoonka: Old Trafford.
Wararkii u dambeeyey labada kooxood
Manchester United waxa ka maqan labada ciyaartoy ee afka hore ee weerarka ee Anthony Martial iyo Edinson Cavani oo hore uga maqnaa ciyaartii Champions League.
Martial ayay aad u tabi doontaa United sababtoo ah saddex gool ayuu soo dhaliyey afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee xili ciyaareedkii hore ay Man City iska hor yimaaddeen.
Haddii uu ku bilaaban lahaa, isla markaana uu gool dhalin lahaa, wuxuu noqon lahaa ciyaartoygii ugu horreeyey ee saddex kulan oo xidhiidh ah oo Manchester Derby ah goolal ka dhaliya tan iyo intii ka dambaysay Eric Cantona.
Solskjaer ayaa go’aan ka gaadhi doona haddii uu ciyaarsiinayo amaba uu kaydka dhigayo Pogba oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey goolal soo dhaliyey.
Luke Shaw ayaa taam u ah ciyaartan, sidoo kalena Aaron Wan-Bissaka ayaa la filayaa inuu dhinaca midig kusoo bilowdo oo uu isku dhigo Raheem Sterling oo 17 ciyaarood aan wax gool ah ka dhalinin Man United.
Pep Guardiola ayaa xaqiijiyey in Sergio Aguero aanu ciyaaartan kusoo bilaaban doonin inkasta oo uu soo laabtay, waxaanay taasi ka dhigan tahay in Gabriel Jesus uu hoggaamin doono afka hore ee weerarka.
Kevin de Bruuyne, Rodri, Ruben Diaz, John Stones, Ederson iyo Benjamin Mendy ayaa dhamaantood taam ah oo shaxda koowaad kusoo bilaaban kara, halka Eric Garcia iyo Ilkay Gundogan ay qabaan dhaawacyo fudud oo xaaladdooda la qiimayn doono ka hor kulanka.
Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood
Manchester United XI: De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Telles; McTominay, Fred; Mata, Fernandes, Rashford; Greenwood
Manchester City XI: Ederson; Walker, Stones, Dias, Mendy; Rodri, Fernandinho; Mahrez, De Bruyne, Sterling; Jesus