“Hay,adda Save The Children Ayaa Warbixinta Been ah ka qortey Hablaha Yaryar ee Somaliland”
“Hay,adda Save The Children Ayaa Ka mid ah Hay,adaha Somaliland ka Faafisay Warbixinta Beenta ah, Hay,adani qortey Hablaha Yaryar Lagu Qasbo Inney Jidhkooda Ka Ganacsadaan” oo” Ganacsade Ismaaciil Cabdi
Waxa uu Sheegay in Save The Children Hay’adda Sanduuqa Badnaadada Caruurta ee Dalkan Ingiriiska Xafiiskooda Guud yahey, ay Warbixinta Noocan ah ku Daabaceen Wargeys Kasoo Baxa Falka Ingiriiska Kadib Markii ay Heleen.lacag dhan Hal Bilyan oo Dollarka Mareykanka ah.
Waxaa qoray Ganacsade, Ismaaciil Axmed;
Wararkii beenta ahaa ee ay hay’aduhu fidin jireen waxa uu gaadhay heer ay ku warramaan in hablo yaryar sidii badeecadda loo iib geeyo ama lagu khasbo in ay jidhkooda ka ganacsadaan si ay biyo u helaan!
Maqaal lagu daabacay jariidad ka soo baxda Ingiriiska oo hay’adaha Somaliland ka shaqeeyaa ay kaga hadlayaan abaarta ayaa lagu sheegay in hablaha da’da yar loola dhaqmo sidii badeecadda oo lagu beddesho xoolo.
Waxa lagu sheegay maqaalka in hablaha yaryar inta badan lagu khasbo in ay jidhkooda ka ganacsadaan oo ragga ceelasha biyaha leh ay biyo kaga beddeshaan (“Girls are often forced into transactional sex with the men who own the water sources to access the resource”).
Maqaalkan waxa lagu soo ladhay sawirro ay hay’aduhu ka qaadeen hablo ku nool gobollada Togdheer iyo Maroodijeex oo abaaruhu saameeyeen. Sawirradan oo baraha bulshada la wareejinayey waxa qofka arkaa u qaadanayaa in dhibaatadan laga warramayaa ay iyaga ku dhacday.
Hay’adda Save the Children, oo hore u fidisay warbixin la mala-awaalay oo tilmaamaysay in 90% bulshada Soomaalida ay ka joogsadeen lacagihii xawaaladaha loogu soo diri jiray, ayaa ka mid ah hay’adaha faafinaya wararkan beenta ah.
Lacag gaadhaysa $1 bilyan oo loogu talo-galay abaaraha ayaa soo gaadhay hay’adaha sannadkan. Halkii ay ku hawlanaan lahaayeen in ay lacagtaa wax ku qabtaan waxa ay ka doorbideen in ay been iyo buunbuunin ku soo dhacsadaan lacag kale oo ay lunsadaan.
Waa in dawladdu la xisaabtanto hay’adaha oo laga dalbado in ay caddeeyaan meelaha ay ku arkeen falalkaa foosha xun. Marka ay caddaato in ay mala-awaaleen, waa in lagu khasbaa in ay saxaan oo la noqdaan warkan qaabka daran ee ay innaga faafiyeen. Sidoo kale, waxa muhiim ah in sawirrada hablahan yaryar ee sida aan habboonayn loo isticmaalay la joojiyo oo laga saaro maqaalkan iyo meel kasta oo ay si qaldan ugu adeegsadeen.
Link: https://inews.co.uk/news/the-teen-girls-forced-into-marriage-by-struggling-families-in-the-horn-of-africa-hunger-crisis-1731944?fbclid=IwAR28BZ3wp1LV712zmMjL5EC8TbT5wmqV6tdPFESHkn_8nbUGQ1yY9Bc12Ho