Guddoomiye Abdirahmaan Cirro Oo Ka Hadlay Labada Qof ee Laga Helay Cudurka Coronavirus.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ka hadlay laba kiis oo cudurka Covid 19 oo laga shalay laga helay gudaha Somaliland.

 

Guddoomiye Cirro ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu shacabka reer Soomaalilaan si weyn ugu adkaynayaa kuna dardaarayaa in ay si buuxda ugu hoggaansamaan tilmaamaha, tallooyinka iyo awaamiirta Guddida Qaran ee ka hortagga cudurka COVID-19.

 

Guddoomiye Cirro ayaa yidhi “Shacabka reer Soomaalilaan waxa aan si weyn ugu adkaynayaa kuna dardaarayaa in ay si buuxda ugu hoggaansamaan dhammaan tilmaamaha, talooyinka iyo awaamiirta Guddida Qaran ee ka hortagga cudurka COVID-19, maadaama safmareenka cudurka koroona labadii xaaladood ee ugu horteeyey laga helay dalkeena Soomaalilaan.

 

Allow naga nabadgeli. Aamiin”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker