Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Shir deg-deg ah oo ay yeesheen Madaxda dalalka ku Ururka IGAD
Muqdisho (own) โ Madaxda dalalka ku bahoobay Urur goboleedka IGAD ayaa maanta kulan ka yeeshay cudurka Coronavirus, waxuuna kulankaasi uu ku dhex maray hab muuqaal ah (Vidio Conference) oo ay ku yeesheen aaladda Internetk-ka.
Shirkan deg-degga ah ee IGAD waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyna dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Raiisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuro Kenyatta, Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Koonfurta Suudaan Mudane Riek Machar, Raiisul Wasaaraha Dalka Suudaan Mudane Cabdalla Xamdook, Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Musaveni iyo Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebyehu.
Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray sidii ay IGAD is kaga kaashan laheyd ka hor taga cudurka Coronvirus, oo dad badan ku laayey dalalka Yurub, Mareykanka, UK, Asia oo ah halkii uu kasoo askumay, gaar ahaan dalka China iyo meelo kale oo caalamka ah.
Kulankaas maanta dhex maray madaxda dalalka ku mideysan urur goboleedaka IGAD oo ay qeyb ka tahay Soomaliya ayaa waxaa hagayey Xoghayaha ururka oo ku sugan xarunta IGAD ee dalka Jabuuti.
Kulanka oo ku dhacay hab muuqaal ah ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Raiisul Wasaare Abiy Axmed, Madaxweyne Uhuro Kenyatta, Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Koonfurta Suudaan Riek Machar, Raiisul Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamdook, Madaxweyne dalka Yoweri Musaveni iyo Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebyehu.
Raโiisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo qadka taleefanka kula hadlay kulanka ka hor xubno uu ku jiro madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey kasoo qeyb galka kulankaas, oo looga hadlayey sidii ay IGAD iskaga kaashan laheyd ka hor taga iyo la tacaalidda kiisaska Coronavirus.
Qoraal ay Villa Somalia kasoo saartay kulankaas ayaa lagu yiri, โHoggaamiyeyaasha IGAD ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolka lagu garab istaago dadaalka ay ugu jiraan ka hor tagga iyo xakameynta cudurka Corona, sidoo kale waxa ay isla qaateen in lagu dhiirri geliyo xirfadleyaasha caafimaad ee ka soo jeeda dalalka IGAD ee ku sugan qurbaha in ay ka qeyb qaataan samata-bixinta dadkooda. Waxaa kale oo shirkan diiradda lagu saaray hanaanka loo aas-aasi lahaa sanduuq dhaqaale oo heer IGAD ah, kaas oo wax looga qabanayo xaaladaha deg-degga ah ee la soo gudboonaada dalalalka gobolkaโ.
Qaar ka mid ah dalalka ku bahoobay ururkan ayaa laga helay kiisas la xiriira Coronavirus, waxaana ka mid ah wadamada uu Corona soo galay Kenya, Itoobiya, Soomaaliya, iyo Jabuuti, waxaana dalalkaas ka socda qorshayaal looga hor tegayo cudurka saf mareenka ku noqday dunida ee Coronavirus.