Taliyaha Socdaalka Wajaale Oo Sheegay In Socdaalka Rakaabka ah Ee Isaga Gooshaya Labada Dal Somaliland iyo Itoobiya Gabi Ahaanba La Joojiyay
Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley,Gaashaanle Cabdirashiid Axmed Xasan ayaa Goor-dhaweyd Shaaciyay in ay Xidhayaan Xuduudka u Dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya Lixda Galabnimo ee Maanta Wixii ka Dambeeya, Rakaabka iyo Dadweynaha ukala Socdaalaya Labada Dal Somaliland iyo Itoobiya.
Gaashaanle/Cabdirashiid Axmed Xasan (Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley) ee Fadhigiisu yahey Tog-Wajaale oo Warbaahinta lahadley,ayaa Sheegay in ay Fulinayaan ka Ciidan ahaan Awaamiirtii Gudida Heer Qaran ee ka Hortaga Crona-Virus sidaa daraadeedna Lixda Galabnimo Wixii ka Dambeeya uu Xidhan Yahey Xuduudka u Dhexeeya Labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, oo ah Dadweynaha Rakaabka ah ee ukala Socdaalaya, Labada dal, oo Gabi ahaanba la joojiyay inkastoo Taliyuhu xusey, inaaney ku jirrin Wixii Ganacsiga u Dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.
«Waxaanu ku Wargalinaynaa Dadweynaha Reer Somaliland in ay iska dhawraan Socdaalka tan iyo inta ay ka Dhamaanayso Mudada loo qabtey,in la joojiyay gabi ahaanba Safarka ay Awal hore ku tagi jirreen ama ay kaga imanayeen Dhinaca Gaadiidka ee isu Socodka Somaliland iyo Iyo dalka aynu dariska nahey ee Itiiboya anakuna anagoo ah Saraakiishii Socdaalka Xuduuda u dhexeysa Labada Dawladood Somaliland, iyo Itoobiya,Gaar ahaana laanta Socdaalka Somaliland gaar ahaan (Ciidanka Socdaalka Gobolka Gabiley), Waxaanu ku Wargalinaynaa Dadweynaha Reer Somaliland in la Joojiyay Gabi ahaanba Isu Socodkii Gaadiidka ee dhinaca Dadweyanaha in la Joojiyay Lixda Galabnimo, ee Maanta oo khamiis ah 26/03/2020 Xadkuna Waa Xidhan Yahey, Marka laga Reebo, Ganacsiga u DhexeeyaLabada Dal”.Ayuu yidhi Taliyuhu.
Waxaanu intaa ku Darrey hadalkiisa in, Xaalada loo Joojiyay Isu Socodkii Safarka Dadweynuhu la Xidhiidho ka Hortaga Xaalada Cudurka Crona-Virus iyadoo la Fulinayo Awaamiirtii Kasoo baxdey Gudida Heer Qaran ee Ka Hortaga Cudurkaasi iyo Feejigada ay ka Qaadanayso Guud ahaanba Somaliland.
Gaashaanle/Cabdirashiid Axmed Xasan