Dhegayso: Halista Ammaanka Internet-ka oo aad U Korodhay intii uu Soo Baxay Coronavirus
Inta badan Shaqaalaha u shaqeeya dowladda federaalka Mareykanka, kuwa dowladaha gobollada iyo shaqaalaha shirkadaha gaarka Loo leeyahayba ayaa lagu Amray iney Guryahooda ka soo shaqeeyaan oo Aanayย iman Xarumohooda shaqada.
Talaabadan ayaa ah mid looga dan leeyahay in lagu yareeyo faafista Cudurka Coronavirus. Hase ahaatee hayโadaha ammaanka qaabilsan iyo khubarada ammaanka internetka ayaa ka digaya in tallaabadan ay keeneyso khatartii ugu adkeyd ee dhanka weerarada internet-ka ee cyber-attacks loo yaqaano.