Ururka Alshabaab oo Weerar Culus ka Fuliyay Bariga Kenya
Nairobi (OWN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar uu dagaal xigay oo saacadihhii la soo dhaafay Al-Shabaab ay ku qaaday dalka Kenya.
Weerarka oo ay fuliyeen dagaalyahanno Hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa ka dhacay waddada isku xidha Lamu iyo deegaanka Garsen.
Wararka ayaa sheegaya in Ragga weerarka qaaday iyo ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo ku sugnaa halkaasi uu weerarka kadib, dhex-maray iska hor imaad muddo socday.
Dhinaca kale Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Lamu Moses Murithi oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ee Kenya ayaa sheegay in weerarka lala bartilmaameedsaday shaqaale dhismo ka waday jidka dheer ee isku xidha Lamu iyo deegaanka Garsen.
Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi ku daray in ciidamada Booliska ee ilaalada ka hayey dhismaha waddada ay ka hortageen weerarkaasi.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay kordhin doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka, islamarkaana ay kor kala socon doona gaadiidka isaga kala goosha gobolka Lamu, si looga hortago weerarada qorsheysan ee kooxda Al-Shabaab.
Ma cadda khasaaraha rasmiga ah labada dhinac ka soo gaaray weerarka iyo dagaalka ka horreeyey.