Maxaa ka jira in Ninka Guursaday Xildhibaanada Ilhaan Cumar uu Yahay Muslim

Washington (OWN) – Shahaadada Nikaaxa Ilhaan Cumar iyo Tim Mynett, oo ay Heshay  Warbaahinta Oodwaynemedia ayaa muujineysa in Ninka Guursaday Xildhibaanada Ilhaan Cumar ee lagu Magacaabo Tim uu isagu kaligii  Garsoore ka ahaa Nikaaxa iskuna mehriyey Ilhaan.

 

 

Nikaaxa ayaa ka dhacay magaalada Washington DC, Halkaasi oo Sharci ay ka tahay in Qofka uu isku Noqon karo Caruuska iyo Garsoor , taasi oo u muuqata waxa uu sameeyey Tim Mynett.

 

Shahaadada Ama Cirtificate-ka waxaa ka muuqata in Tim Mynett iyo Ilhaan Cumar ay is mehersadeen Arbacadii 11-ka March. Xafladooduna  ka dhacday Beerta John Marshall oo ku dhow maxkamadda Moultrie Courthouse, oo ay ka qaateen shahaadada Nikaaxa.

 

 

Sida ku cad warqadda, Mynett  uu haysto Shatiga fulinta nikaaxa ee magaalada Washington DC, taasi oo u sahashay inuu isku Guuriyo  Ilhaan.

Nikaaxa ay fuliyaan Arooska ama aroosadda ayaa Mareykanka looga yaqaan “midow shakhsi ah”, balse waa wax naadir ah oo inta badan aan dhicin.

 

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo Afhayeen u hadlay Ilhaan Cumar uu xaqiijiyey in Tim Mynett uu diinta Islaamka qaatay ka hor inta aan la qaban xafladda nikaaxa, hase yeeshee ma bixin faah-faahin intaas dheer.

 

Si kastaba, waxaa suurta-gal ah in Tim iyo Ilhaan isku mehersadeen diinta Islaamka, kadibna ay sidoo kale sameeyeen nikaax kale oo ay ku helaan warqadda shahaadada ee dowladda Hoose ee Washington DC.

Hoos ka arag warqadda nikaaxa

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker