Mareykanka iyo Dowladda Soomaaliya oo wali ka Aamusan Duqeyn lagu laayey dad Shacab ah

Janaale (OWN) – Dowladda Mareykanka ayaan wali ka hadlin duqeyn 10-kii bishan ka dhacday degmada Janaale ee gobalka Shabeelaha Hoose islamarkaana ay ku geeriyoodeen dad shacab ah.

 

 

Mareykanka ayaa waxa uu sheegay in duqeyntii 10-kii bishan dhacday ay ku dileen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al shabaab, isaga oo iska fogeeyay in duqeyntaasi ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah.

 

 

Warbaahinta caalamka iyo tan gudaha ayaa si aad ah u Tabinayaan in duqeyntii Janaale ka dhacday ay ku geeriyoodeen 4 Qof oo shacab ah, waxaana dadka duqeynta ku geeriyooday ay saarnaayeen gaari Soomaalidu u taqaan Hoomeey oo ay duqeyntu haleeshay.

 

Sawirada laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya gaariga ay duqeyntu haleeshay iyo waliba dadkii saarnaa oo dhamaantood gubtay, mana jirto ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Mareykanka oo uu dhacdadaasi uga hadlayo.

 

Waraahinta Al-shabaab ayaa iyaguna waxa ay sheegeen in duqeyntii 10-kii bishan ay ku geeriyoodeen dad shacab ah oo gaari saarnaa inkastoo aysan weli Al-Shabaab si toos ah uga hadlin duqeyntaas.

 

 

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in duqeyntaas lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab balse ma aysan ka hadlin wararka soo baxay ee sheegaya in duqeyntaas lagu laayey dad shacab ah oo aan wax xiriir ah la laheyn kooxdaas.

 

 

Dowladda Mareykanka ayaa inta badan marka ay duqeyn ka fuliso Soomaaliya waxay sheegtay inay la beegsatay xubno ka tirsan Al-Shabaab inkastoo aysan shaacin magacyada iyo xilalka xubnaha ay sheegaan inay ku dileen duqeymaha dhanka cirka ah.

 

 

Amnesty international ayaa Dowladda Mareykanka ku eedeysay in duqeymaha ay ka fuliso Soomaaliya ay dhibaato kasoo gaarto dad shacab ah oo aan ka tirsaneyn kooxda Al-Shabaab .

 

 

Tan iyo markii uu dalka Mareykanka Madaxweyne ka noqday Trump, waxaa sare loo qaaday Duqeymaha laga fuliyo Soomaaliya kadib amar kasoo baxay madaxweynaha Mareykanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker