Dawlada Kenya oo Rabta in Raiisal Wasaaraha Ethiopia dhexdhexaadiyo iyaga iyo Somalia

Addis Ababa (OWN) – Wasiirka Arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang’I ayaa Talaadadii magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali Taasoo   uu kala hadlay dadaallada la doonayo in lagu Qaboojiyo Xiisadda ka dhex oogan Soomaaliya iyo Kenya.

 

Matiang’I iyo Wafdigiisa ayaa Addis Ababa tegay kadib markii ay Muqdisho kula soo kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ay isku soo raaceen inuu soo booqdo Kenya waqti aan weli la shaacin.

 

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha Kenya ayaa lagu sheegay in Fred Matiang’I uu diray Uhuru Kenyatta si uu ula soo kulmo Abiy.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa Wada-hadaladii uu lasoo Galay Abbiy u Gudbiyay  Madaxweynaha Kenyatta, ayada oo qorshaha uu yahay in Itoobiya ay Kenya kala Shaqeyso sidii ay u Hormarin lahayd Xidhiidhka U dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya  ” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dalkaasi.

 

Faah-faahin dheeraad ah lagama bixin kulanka labada mas’uul.

Itoobiya ayaa la rumeysan yahay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ku cadaadisay inuu Taleefon kula hadlo Uhuru Kenyatta, si Xiisadda Xuduudda Loo qaboojiyo.

 

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa aad ay isugu dhowyihiin madaxweyne Farmaajo, oo uu hadda ka hor u kaxeeyey Nairobi, lana soo kulansiiyey Uhuru Kenyatta.

 

Kenya ayaa rumeysan in Itoobiya oo ay ciidamo ka joogaan gobolka Gedo ay Awood u leedahay inay wax badan ka dhaadhiciso madaxweyne Farmaajo, oo ciidamadeeda ay taageero siiyaan  Dawlada Somalia

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker