Maxamed Cabsiiye Waa Aas-asaayaashii KULMIYE 2002-dii Laantiisa London”. Amb.Baashe Cawil Cumar

Nairobi:(OWN)-Amb. Baashe Cawil Cumar,ayaa sheegay in Maxamed Cabdilaahi Cabsiiye ahaa aas-aasayaashii Xisbigga Kulmiye,Laantiisa Magaaladda London sannadkii 2002-dii,Isla-Markaasna uu waayo badan kala soo dabaashay Xisbigga KULMIYE.
Qoraal Kooban oo uu soo saaray Amb .Baashe Cawil Cumar ayaa waxa uu u dhignaa sida tan; “Mohamed Cabdilaahi Cabsiiye waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Xisbiga Kulmiye markii lagaga dhawaaqay laantiisa Kulmiye ee London sanadkii 2002 dii. Waana shakhsi kala soo dabaashay Xisbiga waayo iyo marxalado badan oo soo wajahay mudaadaas uu jiray. Ma aha nin ku helay Xilkaa maanta loogu magacaabay ee guddiga qabanqaaabada Shirweynaha Xisbiga Kulmiye, ehelnimo iyo xigto. Wuxuuna u qalmaa in xilkaa iyo mid ka sareeyaba in loo magacaabo. Waanan ku hambalyeenayaaa isaga iyo masuuliyiinta kale ee maanta Madaxweynahu magacaabay”.
Muj.Maxamed Cabdilaahi Cabsiiye,ayaa maanta uu Madaxweynuhu ku daray guddiga qaban-qaabada Shir-weynaha Afraad ee Xisbiga KULMIYE oo mudaysan Bisha 6-aad ee sannadkan,waxaanay ehel dhaw yihiin Madaxweynaha Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker