Madaxdii Colimada Ehlu Sunnah oo U baqoolay Dalka Emiraatka Carab
Dubai (OWN) โ Hoggaanka sare ee Colimadaย Ahlu Sunna Waljaamaca ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay gaadheen dalka Imaaraadka Carabta.
Macalin Maxamuud Sheekh Xasan iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo Hoggaaminaya wafdiga Ahlu Sunna, waxaana Magaaladaย Dubai ku soo dhoweeyey masโuuliyiin ka tirsan dowladda dalkaasi.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaxda Ahlu Sunna inta ay joogaan Isu Taga Imaaraadka Carabtaย ay kulamo xasaasi ah la qaadan doonaan madaxda dalkaasi, iyagoona kala hadli doono Arrimo kala duwan, inkastoo aan weli laga helin xog dheeraad ah.
Hoggaamiyeyaasha Ahlu Sunnaย ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, tan iyo markii ay isaga baxeen magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.
Ahlu Sunna ayaa haatan u muuqata inay soo rogaal celineyso, kadib markiiย dagaalkii ay La Galeen Dawlada Federaalka ah lagaga adkaaday.
Shalay ayey sidoo kale aheyd markiiย Ahlu Sunna ay soo saartay Qoraal xasaasi ah oo ay kaga hadashay dagaalkii ka dhacay Xarunta INJI ee magaalada Dhuusamareeb.