Xaalada Soomaalida Qaybta Ka Ah Qul-qulka Muhaajiriinta Ku Xaniban Giriiga Oo Laga Dayriyay

Si la mid ah sida Qaxootiga kale ayaa qaxootiga Soomaalida ahi ee ku sugan Xadka u dhexeeya Giriiga iyo Turkigu ay xaaladoodu tahay mid cidla-ciirsila ah kadib markii ay ku go’doomeen xadkaas waqti ay damacsanaayeen in ay Yurub inteeda kale u gudbaan,

 

 

Qaar ka mid ah dadka ku go’doonsan xadka u dhexeeya labada dal oo Soomaali ah oo warbaahinta Soomaalida la hadlay ayaa sheegay inay aad u walaacsan yihiin oo xaaladdoodu aysan wanaagsanayn, iyaga oo la kulmay tacaddi farabadan.

 

Madaxweyanaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayey u muuqata inuu ka dhamaaday dulqaadkii u hayay qulqulka muhajiriinta ka dib markii 33 askari looga dilay duqayn ka dhacday magaalada Idlib oo ku taalla waqoyiga dalka Suuriya.

 

 

Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uusan xamili karin muhajiriinta cusub ee dalkiisa kusoo qulqulaya, wuxuuna intaasi raaciyay in midowga yurub ay uga baxeen ballamadi ay dalkiisa la galeen sannadki 2016-kii.

 

 

Madaxweyanaha ayaa sheegay in 18kun oo muhaajiriin ah ay ka tallaabeen xuduudaha u Turkiga la wadaago wadamada Yurub kadib markii albabada loo furay muhaajirinta si ay xadka uga talaabaan.

 

Greega ayaa sheegay in ay albaabada ka xirteen muhajirinta sida sharci darada ah uga soo talaabada xadka Turkiga.

Ciidamada ayaana dadka ku kala eryaaya suntan dadka ka ilimeysiisa. Wasirka difaca dalkaasina wuxu sheegay in dalkiisa usan aqbaleynin muhajirin cusub.

 

 

Turkiga ayaa hoy u ah muhaajirin gaareysa 3.7 milyan oo badankood ka kala yimid Suuriya iyo Afghanistan.

Mr Edrogan wuxuu waddamada reer galbeedka ku eedeeyey ballamihi ay horay u qaadeen ee ku saabsanaa qoxootiga iney jabiyeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker