Wakiillo ka Socda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka  Somalila  iyo Qaramada Midoobay Oo Kulmay

Muqdisho (OWN) – Wakiillo ka Socda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka  Somalila  iyo Xubno ka socda Qaramada Midoobay iyo Saaxiibada caalamiga ahi ee Soomaaliya ayaa  shir ka yeeshay  Howlaha Doorashooyinka soo socda ee bilaabanaya Sanadka 2020.

 

Kulanka oo ahaa mid lagu kala qabtay Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa Lagaga wada hadlay Tallaabooyinka xiga ee Diyaarinta doorasho qof iyo cod ah, kadib marka  iMadaxweyne Farmaajo Saxiixay sharciga doorashooyinka Soomaaliya Jimcihii lasoo dhaafay .

 

Kulanka oo lagu Wadaagay macluumaadka doorashooyinka, waxaa wada guddoominayay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Xaliima Ismaaciil, Xaliimo yaray iyo Wakiilka UNDP Soomaaliya, Jocelyn Mason, iyadoo hoosta laga Xariiqay xaqiijinta Doorasho dalka si nabdoon uga dhacda 2020.

 

Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa weli waxaa ay ku Adkeysanayaan Inaanay  dalka  ka dhici karto dooraho qof iyo Cod ah, iyada oo dad u badan Siyaasiyiin ay Aaminsan Fakarkaa Waxaanay ku Sababaynayaan  amni aawgeed.Guddoomiyaha guddiga doorashada Xaliimo Yarey ayaan sidoo kale weli la iman wax qorshe ah oo ku aadan habka ay ku dhici karto doorasho qof iyo cod ah, waxaana laga cabsi qabaa inay waqti lumineyso, si xilli dambe ay u tiraahdo doorasho ma dhici karto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker