Somaliland: Cudurka Corona-virus Oo Laga Helay 119 Qof

Dadka laga helay Cudurka Corona Virus oo dhamaantood u dhashay Somaliland ayaa tirada ragga ah ee laga helay cudurka, wasaaraddu ku sheegtay 73, Rag ah iyo 46, Dumar ah.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, waxa ay sheegtay in tirdada dadka ugu badan ee cudurku uu ku dhacay ay da’doodu u dhaxayso 20 jir ilaa 49 jir.

Wasaaraddu waxa ay ugu baaqday bulshada Somaliland in ay Guryaha joogaan oo ay joojiyaan goobaha la isugu imanaayo iyada oo dadka imanaaya goobaha shaqadana ugu baaqday in ay isticmaalaan agabka ka hortaga ee Covid 19, isla markaana ay xidhaan Afka iyo Gacmo gashi.

Madaxa fayo-dhawrka ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Cabdiwahaab Cabdi Jaamac (Nakruuma)  ayaa sheegay in kooxo ka tirsan wasaaradda caafimaadku ay fariimo caafimaad oo ku saabsan ka feejignaanta xannuunka Corona-virus ay ka fuliyeen xudduuda laga soo galo Somaliland ee Wajaale, waxaanuu intaas ku daray inay u kuur galeen sida dadka degmadaas ku nooli u qaateen fariimaha ku baabsan xannuunka Corona-virus.

Cabdiwahaab Nakruuma, waxa uu xusay in arrimaha ay hubinayeen ay ka mid ahayd, kala fogaanshaha, xidhashada af-saabka iyo sida loo fulinaayo hawl-galada baadhitaanka ah ee dadka ka soo gudbaaya xuduuda Wajaale.

Ugu dambayn madaxa fayo dhawrka ee wasaaradda Caafimaadka Somalilanad Cabdiwahaab Cabdi Jaamac waxa uu guud ahaan dadweynaha Somaliland u soo jeediyay inay ka feejignaadaan xannuunka Corona-virus oo hadda dib wadamo badan oo adduunka ah ugu soo laba kacleeyay, madaama xannuunkaasi Somaliland ka jiro waxa uu bulshada u soo jeediyay inay raacaan talooyinka ka soo baxa wasaaradda caafimaadka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker