Waraabe Dad-cun ah oo Qoysas Reer-guuraa ah Kuweeraray Koonfuta Sanaag Iyo Dad Uu Dhaawacay
Ceerigaabo(OWN) Degaanno katirsan koonfurta gobolka Sanaag ayaa habeennimadii Khamiista (Jimce soo gelayey) waxa Waraabe dad cun ahi weerarro goonni goonni ah ku qaaday saddex kamid ah qoysas reer guuaa ah oo degaannadaas deggan, waxana Waraabahaasi sida la sheegay weerarradaas ku dhaawacay laba nin iyo haweeney kuwaasoo uu dhammaantood madaxa ka gaadhsiiyey dhaawacyadaas.
Mid kamid ah ehelada labada nin ee waraabahaasi dhaawacay midkood oo aannu arrintaas wax ka weydiinney ayaa yidhi “Waraabahani xalayto buu weeraray laba wiil oo geel hor hurda ayay ahaayeen kaddibna mid buu madaxa qabsaday oo jiitey kolkaasaa kii kale qayladii maqlay oo ka reebay goobtuna waa degaanka Aassas Ee Aagga Fiqifuliye” “Wuxu kaloo isla xalayto degaanka Kurtunno oo xoogaa ka durugsan degaanka Aassas waraabahaasi ku weeraray reer halkaas deggan wuxuna madaxa qabsaday oo weliba dhaawacyo weyn gaadhsiiyey haweeney lasheegay inayba suxuur samaysanaysey ee aanay hurdibna iyadana waa laga ridey Wiil kale oo dhallinyaro ahna meel kale oo isla degaannadaas ah buu xalay sidaas oo kale guri ugu galay oo isagana madaxa qabsaday markaa waraabahani waa mid xoolahaba intuu soo dhaafo dadka qaadanaya”.
Dhinaca kalena lama oga waraabaha weerarradan ka geystey degaannadan kala geddisani inuu yahay hal waraabe oo keliya iyo inay yihiin koox waraabayaal kala duwan oo weerarradan ku midaysan. Waxana lasoo sheegayaa in ay jiero cabsi weyn oo lasoo deristey bulshada reer guuraaga ah ee degaannadaas kusugan
Oodweynenews.com/Ceerigaabo